January 4, 2008
Wararkii U Danbeeyay Ee Safarka Madaxweynaha Somaliland Md: Daahir Rayaale Kaahin Iyo Kulankii U La Yeeshay Safiirka Dalka Norway

Addis Ababa, (Harowo) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud: Daahir Rayaale Kaahin Iyo Waftigii uu hogaaminayay oo ilaa wali ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimada dlaka Ethiopia ayaa maanta waxaa ku booqday Hudheelka ay degan yihiin Mr James Peter. Oo ah Safiirka Dawlada Norway u fadhiya Magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo wali ku guda jira hawlahoodi shaqo ee ay u joogeen Magaalada Addis Ababa iyo kulanka ay la yeesheen Safiirka Norway iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxaa lagu sheegay. War-saxaafadeed uu Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland soo saaray, oo nuqul ka mid ahii soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka Harowo.Com ee Magaalada Hargeysa waxaanu War-saxafadeedkaasi oo dhamays tirani u dhignaa sidan:
"Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay oo hadda ku sugan caasimada Daolka Itoobiya, waxa saaka booqasho sharaf ugu tagay huteelka uu degan yahay Madaxweynuhu, safiirka dawlada Norway u fadhiya Mr James Peter.
Madaxweynaha iyo safiirka Norway, waxa ay ka wada hadleen xaalada geeska Afrika gaar ahaan JSL iyo xidhiidhka ka dhexeeya JSL iyo dalka Norway, Madaxweynaha iyo safiirku waxay kale oo ay isla soo qaadeen socdaalkii Madaxweynuhu ku tegay dalka Norway Bishii June sanadkii hore iyo madaxdii ay is arkeen arrimihii ay ka wada hadleen iyo wixii tan iyo hadda ka qabsoomay, Isla saaka kow iyo Tobankii subaxnimo waxa Madaxweynaha booqasho sharaf ugu tegay huteelka uu degan yahay, wefdi balaadhan oo ka socda safaarada Boqortooyada UK oo uu hogaaminayay ku simaha safiirka dawlada UK Mr. John Marshall, waxa kale oo wefdiga ka mid ahaa haweenayda arrimaha siyaasada u qaabilsan safaarada UK ay ku leedahay Addis ababa Ms Wendy.
Madaxweynaha iyo wefdigiisu weli waxay ku gudo jiraan safar koodii shaqo ee ay ku joogeen caasimada Addis ababa ee dalka Itoobiya", halgaasi oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Ingriiska.

Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






