December 15, 2007
Gudoomiyihii Golaha Deegaanka ee Berbera oo ku Geeriyooday Shil Baabuur
Boorama (Harowo) - Gudoomiyihii golaha deegaanka ee degmada Berbera Siciid Daauud, ayaa maanta duhurkii ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera.
Sidaas waxa u sheegay shabakada wararka ee shabakada Harowo.com, Gudoomiyaha golaha deegaanka ee Boorama C/raxmaan Shide Bile oo isagu u ambaxay ka qayb galka Aaska marxuumka oo ka dhici doona magaalada Berbera. Shilkaas waxa kale oo ku dhintay laba Askari oo la socday gudoomiya. geeriyooday.
Gudoomiyaha geeriyooday ee Degmada Berbera ayaa isagu markaas u soo socday dhanka magaalada Hargaysa, Jidkaas ayaa ah midka ugu shilal badan wadooyinka Somaliland.
Gudoomiyaha degmada Boorama ayaa isaga oo ku hadlaya magaca golaha deegaanka ee degmada Boorama, Tacsi u diraya dhamaan Eheladii iyo qayskii uu ka baxay marxuum Siciid Daauud oo ahaa gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Berbera, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo.
Hashim Goth
Harowo.com, Boorama, Sl
Email: hashimgoth@hotmail.com






