December 14, 2007

Odoraskayga Siyaasadeed Wuxuu Noqday Xisbiga Talada Dalka Haye ee Udub

Bishii Julay ee sanad kan 2007ka, ayaan waxaan ukicitimay xagaa iyo dhul kii hooyo, waxaan siimaray London oo aan mudo lix saa cadood ah ku hakaday, habeenimadii ayaan ka duulay, waxaanan la socday Ethiopian Airline.

Waxaanan hadana taraansid ku ahayn Addis Ababa, galabnidii dambe ayaan ka duulay, waxaanan hal kaasn ka sii qaatay isla Ethiopian Airline saacadu markay ahayd afartii galab nimo, ayaan ka dhaadhacay madaarka Hargaysa, casimada soomaalilad.

Waxa halkaa igu sugaayay waalidiintaydii, walaalahay iyo asxaabtaydii. Lama malaynkaro farxadii iyo rayn rayntii aan dareemay, markii ay hawshii Airopotku iga dhamaatay magaaldii hargaysa ayaan u gudbay. Lix sano ka hor ayaana iigu danbaysay magaaladii hargeysa oo isbadashay dhismayaal aad iyo aad u qurux badan laga dhisay ashqaraar badana kamuuqdo.

Dabadeed waxaan u gudbay magaaladii Boorama ee socdaal kaygu ahaa, waxaanan siimaray dul aad iyo aad u qurux badan. Naftayduna aad iyo aad bay ugu faraxsanayd aragtida degaankaas. Waxaan gaadhay Boorama 10:00 habeenimo, halkaasna waxaa sifiican iigu soodhaweeyay eheladaydii.

Mudo wiiga markaan joogay magaaladii Boorama, ayaan waxaan u kuur galayey siyaasada wadanka siiba asxaabta siyaasadda ee wadan ka jira, Kuwaas oo kala ah Udub, Ucid iyo Kulmiye. Socdaalkaygan horteed aniga xisbi waxa iigu dambeeyay xisbigiila odhan jiray Asad. Asdana waakii hawada ka baxay.

Imika markaan Canada ku soo noqday, fikrado badana aan soo urur saday, xisbi walbana soo arkay siduu u shaqaynayo, ayaa waxaan doortay in aan kubiiro xisbigii ugu mudakarsan, uguna wax qabadka badnaa asxaabta qaranka, kasina wuxuu noqday xisbiga talada dalka haya ee UDUB.

Ahmed Garaad

Email: ahmedgaraad14@hotmail.com