December 3, 2007
Qaar ka Mid ah Siyaasiyiin Iyo Madax Dhaqameedyada Beelaha Garxajis oo Shaaca Kaqaaday In Ay Ku Biireen Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa (Harowo) - Xaflada ballaadhan oo loo sameeyay soo dhawaynta Beelaha Garxajis oo ku biiray Xisbiga KULMIYE, isla markaana lagu cadaynayo in Beelahaasi ay ka baxeen kalsoonidiina kala noqdeen Xisbiga Talada dalka haya ee UDUB ayaa maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ahayd mid aad u balaadhan waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Salaadiin iyo Wax-garad kamid ah Beelaha Garxajis, sidoo kale waxaa iyaguna si weyn uga soo qayb galay Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Xisbigaasi Axmed Siilaanyo.
Xafladan waxaa ugu horayn ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo sheegay in Beelaha Garxajis intooda isbadal doonka ahi ay halkan joogaan, Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in Saldanadu ay dhex u tahay ummada, isla markaana ay Bulshada ku toosiyaan, una haagan meel fiican, Maamulkana ku toosiyaan kulana taliyaan in uu wado toosan oo, Caddaalad, Horumar iyo Xaqsoor u dadka ku hago, isagoo intaa raaciyay Suldaanku, haddii uu Maamulku diido ay waajib tahay in aanay ummada ku daawan haddii inta Maamulka haysaa leexiyo.
Suldaanku waxa kale uu tilmaamay in sababta kaliftay in Beeshu ka baxdo Xisbiga UDUB kalsoonidiina ay kala noqdaan tahay Maamulka Talada dalka haya oo ka leeday wixii loo doortay in uu ummada ku hago, isagoo ka hadalayana waxa uu yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali “Maamulka Talada dalka haya wuxuu ka leexday oo uu ka baydhay wixii ay ummadani dhigatay iyo in Caddaalad uu ugu Xaqsooro, oo uu ku Maamulayo Kali Talisnimo, Cabudhin iyo Caga juglayn mid la xidho iyo mid uu Xuquuqdiisa ku tunto wax walbana la kharibo oo ilaa Neefkii Aridhaga ahaa uu dhoofintiisa u xidhay Nin Ajanabiya”
Suldaanku waxa uu carabka ku dhajiyay in loo baahan yahay isbadal in uu dhaco laguna badalo Maamulka Talada haya Waxaanu sabab uga dhigay in Maamulka Madaxweyne Rayaale uu ka dhago adaygay soo jeedin iyo talo kasta oo lagu rabo in lagu toosiyo, isla markaana ay kala quusteen tilmaan iyo in uu ilaaliyo wixii ummadani dhigatay.
Suldaanku wuxuu sheegay in isbadalka Maamulka lagu keeno hab nabad galyo ah oo waafaqsan Shuruucda Qaranka Waxaanu isaga oo ka hadlaya uu yidhi “Waxaa la leeyahay Shir Beeleed baa la wadaa Shir Beeleed cid wadaa ma jirto, anigu ma wado cid kale-na ma wado ee nidaam uu dalku leeyahay oo markaa waa in nidaamkaa lagu badalaa oo codkiina lagu badalaa”
Suldaanku waxa uu tilmaamay in Dawlladnimada iyo Awoodu tahay Shacbiga sidaa daraadeed loo baahan yahay in ay Dawllad Hoose dhistaan oo ay midoobaan oo iyaga oo isku duuban ay Maamul hufan oo Horumar gaadhsiiya samaystaan waxa uu intaa raaciyay in loo guntado sidii Horumar loo gaadhi lahaa isbadalna loo samayn lahaa iyada oo aan loo jeedin Qabiil iyo cid toona.
Suldaanku wuxuu sheegay in si isbadal loo dhaliyo ay Beeshiisu go’aansatay in ay codkooda siiyaan Xisbiga KULMIYE, Waxaanu u soo jeediyay Xisbiga KULMIYE in uu sameeyo nidaam wanaagsan oo isbadalka horseeda.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar waxa uu sheegay in aanay Xisbiga KULMIYE ka aqbalaynin wixii ay ku diideen Xisbiga UDUB, laakiin ay uga fadhiyaan in ay ummada u horseedaan horumar iyo in la dhawro Xuquuqdooda Aas-aasiga ah oo lagu dhaqo Caddaalad iyo Xaqsoor.
Guddoomiyha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay Beelaha Garcajis ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE Waxaanu u mahad naqay Guddoomiyuhu Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo Wax-garadka Beelahaasi oo uu uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay isku soo abaabuleen, oo iyagoo midaysan ay go’aankan u qaateen.
Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in dadka meel kuwada nool ay wax yaabo badan dhex maraan, isla markaana ay jiri karto tabashooyin iyo hadalo soo kala gaadha, hase yeeshee uu isagu haddii shakhsi ahaan haddii ay Beeshani wax uga tirsanaysay ama hore wax looga geeyay ay ka cafiyaan.
Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran oo uu sheegay in Siyaasiyiintii iyo Mujaahidiintii waa weynaa ee dalka u soo halgamay ay xidhan yihiin iyagoo aan wax dambiya gaysanin, isaga oo intaa ku daray in arrintaasi ay hor-joosanayso Ictiraafka Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waayaha dalka iyo marxaladihii laga soo gudbay Waxaanu ereyo waano iyo sidii la isugu soo dhawaan lahaa ubadan kadib hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in ku soo biirista Beelahan ay u tahay farxad si weyna u soo dhawaynayaan.
Waxa kale oo Xafladaa ka hadlay Madax badan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE kuwaas oo dhamaantood tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin ku soo biiristan Beelahan ee Xisbigooda, sidoo kale waxa ay Masuuliyiintaasi ka sinnaayeen ka dhawaajinta dhaliilaha iyo eedaha Maamulka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyaga oo intaana raaciyay in ay laga maarmaan tahay in si nabad galyo ah ay dadweynuhu codkooda ugu badalaan.

Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harowo.com - Hargeysa
E-mail: daralla06@yahoo.com








