December 2, 2007
Bishaaro: Jaamicadda Islaamka ee Wadanka Malaysia oo Markii ugu Horeysay Aqbashay Shahaadada Jaamicadda Camuud.
Waxa war lagu farxo ah, ilana qurux badnaatay oo aan jeclaystay in aan u bishaareeyo bahwaynta reer Awdal, gaar ahaan maalulka jaamacada Camuud iyo ardaydeedaba, in markii ugu horaysay ay jaamacadaha Malaysia aqbalaan shahaadada ay bixiso jaamacada Camuud.
Mohamed Muhumad Caynaan, Wuxuu nasiib u yeeshay in uu noqdo ardaygii ugu horeeyay ee ka socda jaamacada camuud ee ay aqbasho jaamacada islaamka ee wadanka Malaysia. Jaamacadan oo ah jaamacadaha ugu magaca dheer wadankan Malaysia iyo dibadiisaba, magac wayna ku leh caalamka islaamka.
Jaamacadani waxay ogolaatay ardaygan ka socday jaamacada camuud, ka dib markii ay in mudo ah joojiyeen in ay ogolaadaan shahaadooyinka ka yimaada soomaaliya dhamaantoodba, taas oo ay sababtay markii ay arday badan oo soomaali ah kula keceen in ay sameeyaan foojari arintaasina fashil ku danbeysay.
Run ahaantii ardayda joogto Malaysia oo iskugu jirta kuwo ka soo baxay jaamacada Camuud iyo kuwo kaleba farxad wayn ayey u ahayd markii ardaygaasi warqada ogolaanshaha soo qaatay. Dhiiri galin wayna u noqotay intii kale ee haysatay shahaadada jaamacada Camuud.
Waxaan rajaynayaa in laga faa’iidaysan doono fursadan qaaliga ah oo qofkii danaynaya in uu wax ka barto wadankan Malaysia oo ah wadan dhinaca waxbarashada heer sare ka gaadhay, ahna wadanka hogaanka u ah wadamada islaamka.
Reer Awdaloow jaamacadii shalay la aas aasay midheheegii halkaas ayuu marayaa waxkasta oo la bilaabano mar uun buu gaadhaa heerkii loogu tala galay.sidaa daraadeed Waa farxad in maanta jaamacadii camuud ay magac ku yeelato wadankan Malaysia waxaan rajaynaynaa in ay jaamacadaha kalena ay ogolaan doonaan maadaama ay jaamacad magac wayn ku leh wadanka ay ogolaatay.
Talo iyo tusaale: waxaan kula talin lahaa maamulka jaamacada camuud in ay (Update) ku sameeyaan website ka jaamacada kaas ayaa muraayad u noqon kara jaamacada waayo waxaan xasuustaa suaalo badan oo la waydiiyay ardaygaa ay ogolaatay jaamacada islaamku. waxaa kamid ahaa suaalo badan oo laga heli karaayo website ka jaamacada waa hadii uu dhamaystiran yahay oo laga heli karo macluumaadka looga baahdo.
Wassalaamu Alaykum.
Abdulkarim Sheekh Elmi Tallan
Kuala Lumpur – Malaysia
ASSM - Awdal Student Soceity Malaysia.
Email: karimtallan90@hotmail.com






