November 29, 2007
Runtu Ma Fantaa…..?
Taarkhido isma beenaysu, mahmaaduna been ma sheegtu. Waxa jira webseytyo ku dhisan warxumo tashiil iyo gooni u socod ka baxsan loolanka siyaasadeed ee ka socda Somaliland.
Dadka masuulka ka ah websytyadaas ma ogola in dadka la degini ay qoraaladuda u so godbiyaan. Masuuliyiintaasi waxay u mujiyeen ummada la degin ee reer Somaliland in ayna wax la qaybsan karin sababtoo ah waxay ka cabanayaan kuwa la degin iyo kuwa darisgooga ahba.
Haddaan ku bilaabo kuwa dariskeena, qoraalada ku qoran weybsytyadaasi waxay tilmaayaan kuwa laayey gadabuursi ama gaar ahaan qabiilka webytyadaasi ku calaacala. Taariikdo waxay tilmaamaysaa in ay SNM badideedo ka goobnayd dadka dariskeena ah. SNM lama dagaalmayn qabiilooyinka degen Somaliland. Waxay SNM ka xuraynaysay wadanka dil, dimasho, iyo cadaalad daro. Qabiilka dadka maamula websaytyadaasi waxay kula jiraann dadka la degen ficiltan, xin, tartan, iyo cabasho an dhamaanayn.
Qabiilka ay maanta rabaan in ay wax ku darsadaan oo ay ku fushadaan danahooda gaar ahaaneed waa ta ay ku tilmaayaan dhagar qabayaal oo ay leehiyiin waan saamaxney. Waxay joogaan ficil wabartaana uu kuu geeyaa. Xinku markoo kaa qaado sharafta waa nasiib daro. Haddii dadka wax ku qora websytyadaasi ay dadnayaan daris wanaag kuma tilmaameen DHIIGYA CAB dadka daris la ah isla makaana wax kuma darsadeen.
Haddii dadka wax ku qora websaytyadaasi ay yihiin wax garad ma oglaadeen waxyaabaha noqsaanta ku ah reerkooda. Xoreynta wadan maaha wax dhib yar. Malaayiinbaa ku dhinta, malaayiin kalana way ku dhergaan. SNM in badan bay kuu digtay oo ay hoos iyi goodba kuu bariday. Waxay tidhi walaalow waan kuu baahanahay ee ila dil cadowga. Waxa markhaati leh in qabiilkaagu la dagaalamay SNM ( from Saylicipress: beelaha nala dega Somaliland dagaal qadhaadh ayaa na dhex maray waanan ka heshiinay ninkii ay usoo sharaxanayaan iyaga ayey u taalaa; anaga iyo xidhiidhka aan la yeelanayno ninka ay soo doortaan waxaan ka sugaynaa kuwa anaga na matalaya ) oo isla markaa kaa xureynaysay mamulkii ina haystay. SNM waxa khasab ku noqotay inay ku soo gasho markii ad diiday baryaoodii.
Waxad editooriyalka webseytyadaasi ku sheegtay in ay SNM dad laysay, hasse ahaatee, waxad ilosantihiin dagaal inuu leeyahay dhimasho an badheedh ahayn. SNM waa Somaliland National Movement, wayna ina xureeyeen.SNMta aad ka cabanaysid waata kuu keentay nabada iyo xuriyada aad maanta edeegsanaysid. Qaybta aad ku leehdahay Somaliland heerka ay gaadhay ma gaadhin inta aan ka war qabno. Halganga aad ku tilmaamaysu danbi waa meel ka dhac wayn oo noqsaan u soo jiidaaya adiga qorey hadalka fooshaxun iyo qabiilkaagaba. SNM iyo halgamayaashu kaagama baahnaa amaan, waxna kuu waayi maayaan.
SNM waxay keentay:
1. Xuriyad siyaasadeed
2. Xuriyad saxaafeed
3. Horowmarka Somaliland – waa ogtahay gobolka aad ka soo jeedu
halkuu maraayo. Waad ogayd oo waad ko’nayd Somalida inteeda kale
4. Madaxood tag – qofka ay sharaf u keentay
5. Nabad aad ku seexatu
Arimahaasi waxay ku yimaadeen dhimasho iyo halgan. Dad badan oo kuwa aad tacsida u diraysid ka midyihiin ayaa ku dhintay. Maxaase keenay in aad laba oon tacsi u dirto. Waxaa kaaga fiicnaan laha in aad u wada ducaysid ood ilaahay u baridid in naxariistiin janno siiyo dadkii halganka ku dhintay.
Haddii an u noqono A/rahmaan, in badan buu kuu digay uu kuu sheegay in lagugu soo socdo, adiguna hurdada ayaad dheeraysatay. A/rahmaan waxa hobaal ah in adiga kaa badsado murugadda dhimashada walaalihii. Tacsida (from Saylicipress: waxaan maanta xusaynaa inaan halkan ku falanqayno dilkii ka dhacay magaalada Borama iyo Berbera 1989 ee loo gaystay laba muwaadin oo reer Awdal) editooriyalka Saylicipress ku yaala ee ku saabsan laba qof waa meel dhac wayn oo dadka kula degen xumaan ku abuuraysa. Qofka ka dhinta qabiilkaagu muxuu dheer yahay kuwa kale ee badan ee isla marka ku dhintay xureyntii Somaaliland.
Qabiilka A/rhman horeyna kuulama qaybsan siyaasad, haddana kaagama fadhiyo. Waxaad A/rhman dil ugu xukuntahay, SNMna u saamaxday waa cawwaqib xumo iyo cadaawad aad dhexdhigeysid qabiilooyinka kula degen. A/rhman wuxuu ka mid yahay dadkii u soo halgamay xurida Somaliland eed maanta uga fadhido in ay ku tixgeliyaan oo ay kaa qayb gelinyaan siyaasada Somaliland. A/rahman gafka aad u gaysatid waa mid aad u gaysatay dhamaan halgamayaashi kuwa dintay iyo kuwa noolba. Waa kuwa aad rabtid maanta in aad siyaasad la wadaagtu. Marna cay SNM marna bari iskuma toosna.
Waxan ku soo goobayaa, in gofku ka hadli karo fikradiisa siyaasadeed, laakiin maaha in qof halgan ka mid ah ay ku eedayaan arimo ku saabsan wuxuuna danbi ku lahayn. Dadka iska leh websaytyada cayda iyo dacaayada an sel lahayn loo furtay waa in jojiyaan foolxumada ay soo jiidayaan qabiilkooda oo ay ogaadaan in ayna masilikarin qabiila dhan.
Taariikhda lama badali karo, beena raad male, hadaadse wax tarnsanayso, gegadii iyo faraskiiba way ina hayaan. Waxaan rajaynaa in Kulmiye idiin naxo si aad nooga deysan cababashadiina aan ku garaadaystay.
Markhati Cadde
Email: markhati@yahoo.com








