November 27, 2007
Qodaal iyo Qaayihiis - By Dr. Suleiman Ahmed Walhad
Eebaan Magaciisa Cuskaday, Nabigana waa aan ku salliyay, Garabka Allaan Warsaday. Deeto waxa aan idhi:
Horta hore salaan hooya.
Marka xiga hal naga hela.
Waa hido-raac iyo haariyo warkeed.
Sidiibaan dadka dantiisa ugu hawlnahay
Heegan baan had iyo jeer u nahay.
Hiirta hore, hadhimo iyo goor la soo hoydo
Hiil iyo hooba sidiibaan hawshiyo hanteeqdeeda ugu dulqaadsannahy.
Hooheey, dadkayagaan dawyo iyo hilinnno aanu u jirraa.
Hooheey, hagardarro iyo hantaaq ayaanu ka ilaalinnaa
Hir dheer iyo hawlobaa lagu jiraa
Halablaw libaax iyo habar dugaag ayaanu ka ilaalinnaa
Hawraartuna, weli, waa wacdiga iyo waanadii
Haybtanna, waxa aynu ku soo qaado qodaal iyo qaayihiis. Sidii kuwii hore ayaynu u soo bandhigi isaga oo godadlaysan.
Godka Kowaadna waxa uu leeyahay:
1. Qodaalka iyo anfaciisa ayaynu halkan ku qaada dhigaynaa.
2. Marka xiga ogaado dadku waa qodaal, iyo ugaadhsade;
3. Ama waa xoolo dhaqe, ama farsameeye ama waa adeege.
4. Qodaalku waa wax qaaliya oo qiimo badan.
5. Nolosha ayuu qayb weyn ka qaataa.
6. Quud iyo wax la quuto ayaa lagula soo baxaa.
7. Gaajo iyo qiilkeed ayaa lagaga hortegaa.
Godka Labaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalka muddu ayaynu , dadyohow, aan ku soo jirray.
2. Dadkeena qaar ayaaba diidanaa, waayadii hore.
3. Dhulka in la qodo maba qumana ayay odhan jireen.
4. La aragye, dadyohow, maxaa lagala kulmay?
5. Anfacase maxaa laga helay?
6. Qodaalkeenu halkee ayuu ku sugan yahay?
7. Kobcis iyo horumarin ma u baahan yahay?
Godka Saddexaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalku dhulkeena waa uu ku fiday.
2. Dhul-daaqii in badan ayaa beero laga dhigay.
3. Dhulkaba waxa la moodaa in la kala ootay.
4. Xoog waliba oo banaanaa, beero ayaa loo beddelay.
5. Waxa la moodaa in aan loo fiirsan;
6. Meesha beerta ku habboon iyo meesha kale.
7. Beer iyo beer lahaansho ayuunbaa hadafka laga dhigay.
8. Beeruhu in kasta oo ay kordheen, baxaalkoogu lama uu korin.
Godka Afraadina waxa uu leeyahay:
1. In kasta oo qodaalku koray, siyaasad beereed,
meel la islamaba dhigin.
2. Tirana laguma hayo, siyaasad beereed, wixii hagi lahaa.
3. Boqolkiiba inta qodaalaysan dhulkeena tiro laguma hayo.
4. Baxaalka qodaalkeena, tiro ahaan xisaab laguma hayo.
5. Aqoonta guud ayaynu ku ognahay waxa aan beerno.
6. Garow noqotayaa, tukhun ama gallay.
7. Tamaad iyo caleen salladha, liig iyo xawaash kale.
8. Amase zeytuun ama sisin iyo liin iyo dirkeed.
9. Qaadkuna, sanadahan dambe, waa wax soo biiray.
Godka Shanaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalkeena badankiisu, waa wax roob ku xidhan.
2. Roob la waayaa, beero iska ilaw.
3. Qalabna weli waxa aynu haynaa dibigiyo harqoodkii.
4. Weli waxa aynu joognaa samankii faraacinada.
5. Qaarbaa iyagu weli gacanta iyo yaambo weli wax ku beera.
6. Duhur iyo dharaar dheer, dhabarka kaga jabay, siday u tu’sanaayeen.
7. Waxa xadida qodaalkeena dadaalkeena oo daciifay waayadani.
8. Waxa kaloo xadida aqoonteena beereed oo weli bidaa’iya.
9. Beer yeelasho iyo ku faankeeda ayaa ka weyn baxaalkeeda.
Godka Lixaadina waxa uu leeyahay:
1. Qodaalkeenu waa quudasho oo aan weliba innagu fillayn.
2. Midhaha dibada laga keeno ayaa weliba la door bidaa.
3. Waa bariis, sonkor, qamadi iyo daqiiq iyo qaar kaloo badan.
4. Hadafkeena beereed, hadaba, maxaa uu yahay?
5. Waa ognahay oo ganacsi weyn ma galo.
6. Innaguba haddaynaan baxaalkeena aan qadarin;
7. Oo aynaan baxaalkeena cunin;
8. Ganacsi, sideen, hadaba, u gelin?
9. Dhulkeena ma laga heli karaa midho dibada aynu u iib gayno?
10. Midho lacag adag aynu ka dhalin karro?
11. Sidaynu suuqyo dibadeed ugu heli karra qodaalkeena?
12. Dadkeena sidaynu ugu abaabuli karaa
inay kordhiyaan baxaalkooda?
Godka Todobaadina waxa uu leeyahay:
1. Keydinta baxaalka, isna waa aynu ka liidanaa.
2. Waayadii hore boholo ayaa la qodan jiray.
3. kaslaanimo ayaa inna gashoo, boholihiina la iska daa.
4. Aboor iyo cayaain kale ayaa inala wadaaga wax aynu soo saaro.
5. Khudaarta iyada hadalkeeda daa.
6. Inta badan keyd xumo ayaa ay u luntaa.
7. Halkaana daaqad weyn ayaa ka furan.
8. Waxa aynu u baahannahay halkaa in aan awdno;
9. Si anfacada qodaalkeenu ay u kobocdo.
Godka Sideedaadina waxa uu lleeyahay:
1. Qodaal waanu nahay, hadana ma nihin.
2. Magaca ayuunbaan ka haynaaye, anfaco kalase, kuma lihin.
3. Beero la yeeshay mooyaane, abdo kale lagama helin.
4. Dhulka oynu kala oodannay mooyaane,
waxa kale maynu soo kordhin.
Godka Sagaalaadiina waxa uu leeyahay:
1. Baxaalka dhulkeena sidee aynu u kordhinaa?
2. Keydintiisa sidee aynu u hagaajinnaa?
3. Suuqayntiisa sidee aynu u toosinaa?
4. Shaqada beeraha sidee ayaynu dadkeena u jeclaysiinaa?
5. Mihnad wax ku oolaa sidee ayaynu qodaalkeena ugu rognaa?
Godka Tobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Waxa ay nala tahay, in beeraha aynu ka shaqayno.
2. Waxa ay nala tahay, in beer waliba qodato boholo biyaha u joojiya.
3. Waxa ay nala tahay, in ciida wanaagsan
ee roobku kala tego la joojiyo.
4. Dhir iyo geedo loo beero ayaa ciida qaban kara.
5. Gunta qaranka oo loo daayo ayaa ciida xajin kara.
6. Garowga, tukhunka iyo gallayda waa in geedo kale lagu daraa.
7. Basal iyo baradhe iyo cudbi iyo shah iyo bun iyo geedo kale;
8. Canab, zeytuun, canbe, iyo geedo kale ayaa dhulkeena ka bixi kara.
9. Waanan laga shaqayne, qamadi iyo sareen ayaa ka bixi kara.
10. Dadaalkaa innagu yare, wax badan ayaa qodaalkeenu bixin karaa.
Godka Koobiyotobnaadina waxa uu leeyahay:
1. Siyaasad guud oo qorshaysan ayaa qodaalkeenu u baahan yahay.
2. Aqoonyahanada qodaalka waa in ay doorkooda fuliyaan.
3. Maamulka waa in ay talo ka siiyaan wixii la qaban karo.
4. Maamulkuna waa inuu u foojignaado horumarka.
5. Waa in gargaar loo fidiyo beeralayda.
6. Gargaarku waa noocyo badan.
7. Tababaro ayaa ka mida.
8. Guubaabin ayaa ka mida.
9. Tartan gelin ayaa ka mida.
10.Degmaba degmo kale ayaa la tartansiin karaa.
11.Waxa lagu tartami karaa waxa ay soo saaraan, biyaha
sida ay u qabtaan ama ay u agaasimaan; ceelal qodayaa
ama ballayo, naxarro dhisyaa iyo wixii la mida.
12. Bilado sharaf ayaa lagu siin karaa cidii badisa ama ugu
baxaalka fiican ama agaasinka biyaha
iyo maamulka guud kuwa kale ka roon.
13. Gargaar shiniyeed ayaa la siin karaa iyo aqoon kale.
14. Hawlo badan oo kale ayaa loo hindisi karaa baxaal korodhinta.
Qodaalka iyo qaayihiis waa uu badan yahay. Hindisahayga qodaalkuna waa uu dheer yahay, Markaa laba qaybood ayaynu ka dhigi, haddii Eebe idmo. Qaybtan halkan ayaynu ku soo xidhi. Waxa innoo xigi godad kale oo waano iyo talo ah kuna saabsan qodaalka iyo qaayahiis..
Dr. Suleiman Ahmed Walhad
Email: walhad@taicobu.com








