November 25, 2007

Hargeysa Waxa Yaal Laba Sanduuq Oo Lagu Dhisayo Gobolka Sool, Boocane-na Waxa Yaal Kuwo Lagu Duminaayo Horumarka Sool.

Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, ayaa si kulul u weeraray Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Madax-dhaqameedyada Dhulbahante uga socday Tuulada Boocane kuwaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwo wax duminaya oo dagaal galinaya Beelaha Dhulbahante.

Wasiirka oo hadalkan ka jeediyay kulan ay Siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda Gobolka Sool ku qabteen Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kulankaas oo ay kaga jawaabayeen Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Tuulada Boocame ugu dhamaaday Madax-dhaqameedyada Beelaha Dhulbahante.

Waxa Wasiirku sheegay in Dhulbahante ku guulaystay sidii dagaal aanu uga dhex qarxin laakiin kooxda Boocane ku shirtay dagaalkii wadaan Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Baaq nabadeed oo uu u soo jeediyay Beelaha deegaankaa Waxaanu u dhigay sidan “Anigu waxaan halkan ka soo saarayaa Baaq nabadeed, Baaqaa nabadeed waxa uu ku saahabsan yahay waxa la waday oo cadaana in marka hore Dhulbahante dhexdiisa Dagaal laga rido, aad waxaanu ugu guulaysanay, waxa weeyi oo Dhulbahante ku guulaystay oo nasiib wanaag ah oo aan cid gaari sheegan karayn kooxdaa mooye in Dhulbahante kala badbaaday oo wixii lagu waday ee dagaal ahaa ee dhexdiisa ahaa uu ka badbaaday oo maanta gacmaha is wada haysto koox halkaa ku shirtay maahee” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Wasiirka Horumarinta Reer Miyigu waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray “Mar labaadkii waxaa la isku dayay oo wali la wadaa in beelaha wax walibaka dhaxeeyaan, Baadka iyo biyaha, Ehelnimada iyo gacal nimadu ka dhaxayso ee maanta wada dagan meel walba in la isku diro ayaa ta labaadna ahayd oo socota Anigu waxaan ku baaqayaa Nabad.

Mudane Fu’aad Aadan Cadde waxa uu nasiib daro ku tilmaamay waxa laga wado Boocane oo ah buu yidhi dumin iyo iska hortaag dadka ku dhaqan dhulkaas lagag horjoogsanayo in horumar ay gaadhaan, isagoo Wasiirku isgarab dhig ku sameeyay wax kala fogna ku tilmaamay dadaalka Hargeysa laga wado oo ah gurmad iyo taakulayn iyo sidii loo kobcin lahaa Goboladaa bari oo 17sanadood ka habsaamay Horumarkii iyo nabad galyada dalka intiisa kale gaadheen.

Mar uu arintaa ka hadlayayna wax uu Yidhi Md: Fu’aad Aadan Cadde “Nasiib darada taagani waxay tahay Hargeysa iyo Somaliland oo dhan waxaa ka furan laba sanduuq, mid Dahab shiil buu ka furan yahay oo jaaliyadaha dibada oo dhan ayaa lacag ku soo shubaya midna Baanka Somaliland ayuu ka furan yahay oo wixii Contribution bixin kara ee Somaliland ah ayay u furan tahay labadaasiba Gobolada Bari sidii loogu dhisi lahaa ayaa loo tafa-xaydan yahay sidii Gobolkaa dhawr iyo tobanka sano hadhay loo soo gaadhsiin lahaa Gobolada kale Dhinaca kale waxaa ka socda Sanduuq la doonayo in dadka lagu laayo oo la yidhi qolada Boocane yidhaahdeen saanu dad u layno Ehel ah noosoo shuuba lacag” Ayuu Yidhi Wasiirku Mudane Fu’aad.

Intaa ka dib waxa ku baaqay in Nabada la ilaaliyo Isaga oo beelaha dariska ahna u soo jeediyay in nabada ay aad iyo aad ugu Mitidaan oo aanay ilaawin wixii la isku ahaa, Waxaanu ku maahmaahay Md: Fu’aad Aadan Cadde maahmaahda Somaliyeed ee “Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin colaad meel kale ka timiday yaanay idin saamayn ayuu Wasiirku Hadalkiisa ku soo gabgabeeyay.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland

Email:daralla06@yahoo.com