November 14, 2007
Boqor ma Eexdo Tolkiina ma Mooga
Waxan ka digaya intanad bilaabin akhriska qoraalkan oo aanad ka bogan ujeedadisa, inanad noqon warxumu tashiil fakridiisu ku koobantahay meel kaliya. WAX IS WAYDIINI MA XUMA EE WAX IS WAYDDARISBAA DARAN. MARKA HORE HA U FIIRSAN CINWAANKA QORAALKA EE NOQO QOF LEH ARAGTI SIYAASADEED.
Waxan internetka ka akhristaa qoraalu lagaga hadlaayo in madaxwenuhu noqdo CAADIL kuna xukumu SINAAN. Haddaba intaanan u gelin dulucda qoraalkaygan waxan jecelahay in an ka hadlo Somaliland.
Somaliland waxa ku nool qabaail ku kala duwan waxay gaar u rabaan hase yeeshe ka siman xuriyada Somaliland. Mid walba waxay gaar u rabta in ay qaybteeda ka qaadato xukumada wadanka ka talisa ama ka hesho maamuus gaar ah. Sidaas awgeed, waxa loo baahanyahay in siyaasiinta Somaliland ka fiirsadan xulitaanka maamulka wasaaradaha iyo mansabyada kalaba. Xisbiyada waxa looga baahanyahy marka ay soo saarayaan gudoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiyada in ay ka fiirsadan sidii xisbiyado u guulaysan lahaayeen oo ah tixgelinta miisaanka qabaailka kala duwan ee Somaliland.
Ilaa markii ay u suurta gashay xuriyada Somaliland ( Mahadi guudkooga ha ahaato kuwii suurta geliyay ) iyo ilaa haddadan an joogno, xukuumado kuma dhisna sinaan. Haday noqoto xukuumad, baarlaman, iyo guurtiba waxa jira qabaail an ku faraxsanayn, dareensanna in wax laga badalo. Ku dheeraan mayo arintaas oo waa lala wada socdaa, hase yeeshe, sinaantu maxay tahay?
Waxa adag sidii loo macnayn lahaa “SINAAN” marka loo eego arinta Somaliland. Somaliland waa qabaail isku tegay oo raba in ay meel u wada guuraan. Haddaba si safargoodu u hirgalo si nabad galyaha, waxa loo baahan yahay siyaasiinta hogaaminaysa safarka in ay noqdaan caadil oo kulba tii ( qabiilo ) daalan, ama haraadan, ama gaajeysan ay sugaan intay baahi baxayso. Taasi waa arin rabta in laga baaraan dego, AYAASE QURSHAHA LEH?
Madaxweynaha wadanka iyo xukuumadiisa, baarlamaanka, guurtida, iyo xisbiyaduba waxay ogyihiin oo hubaal ah inay ka socdaan qabaail. Xubin walba waxa sugaysa qabiilo rabta in arimaheeda loo fuliyo isla markaana Xubintu rabtu inay masisho dadka Somaliland oo dhan. Haddaba, siday ilkana u nabad galaan, xeegana xeego u noqotaa?
Somaalido waxay ku mahmaadaa “ Boqor ma eexdo tolkiina ma mooga”. Mahmaadani waxay sal ku leedahay “ SINAAN IYO CADAALAD”. Waxa dhacda ama dhacdayba in xubna ka mid ah xukuumada, gulayaasha wadanka iyo xisbiyaduba ay texgeliyaan qabaailkii soo doortay oo kaliya. Xubna kalana ayna dib u marin wadadii ay soo mareen marki la soo doortay iyagoo karaaya awoodna u leh in wax weyn u qabtaan qabiiladooda isla markaana dhowraan kuwa kale.
Ceebmaaha oo aduunkay ka dhacdaa in madaxdo ay fiira gaar ah siiyaan kooxa gaar ah iyaga oo ka fikirayaa doorashadooda ama dhaqaluhooda gaar ahaaneed. Mahmaado waxay kabaysaa “ SINNAANTA IYO CADAALADA” laga rabo dadka xugunka haya ee maaha tu eexasha ah. Siyaasada qarnigan an ku jirno waxay banaynaysaa in u qofka xugunka hayaa u qaadan karo “ FASAX KHAAS AH” oon la xidhiidhin “ BOOQASHO XUKUN ”. Haddii siyaasigu tegu magaalada gurigiisu ku yaalo oo u la tashado qabaailkiisa ma danboo galay? U malayn mayo, ee waa ammaan ku dhisan sinaan iyo cadaalad oo diinteeno ammaantay!
Ta kale, xisbiyado markay rabaan inay doortaan gudoomiye iyo ku xigeen oo ay raacaan madmaahdaas, maaha ceeb ee waa sinaan iyo cadaalad. Waayo, waa wada tashi ku saabsan xisbiga jiritaankiisa iyo guushiisaba. Waa in la iswaydiiyaa halka u yaalo miisaanka xisbigo ee u ku guulaysan karo. Taasi waxay waafaqsan tahay mahmaahda qoraalkan. Qabiilado ma xuma haddii si fiican loo adeegsado ee waxa xun marka qabaiil u fikiro in u nasiib u leeyihay qayb libaax wax walba ee u ka tego danta wadanka iyo howsha ina soo fuudsaaran.
Haddii aad leedahay ujeedo gaar ah ama ujeedo qabiilkaaga oo kaliya ku salaysan, waxa hoobaal ah in guuli kaa dheertahay. Ilaahay wuxu adduunka ku dhisay miisaan. Wax kasta oo aadmigu sameeyana wuxu ku dhisan yahay miisaan. Mahmaada qoraalkanina waxay ku dhisantahay miisaan u ilaahay ammaanay kuna sheegay diinta ee ha u daymala’an!!!!!
Huriwaa Sugaal
Email: Huriwaadh@yahoo.com






