November 11, 2007
Maamulka G/Awdal oo Beeniyey Warar Sheegayey Inay Diraarado Duqeeyeen Degaano ku Yaala Gobolka
Boorama, (Harowo) - Maamulka G./awdal, ayaa si cadho leh uga jawaabay war jimcihii 10/11/2007 lagu baahiyey qaar mid ah wargeysyada dalka kasoo baxa iyo Shabakada Harowo.com oo sheegeayey in diyaarado maraykanku leeyahay duqeeyeen degaanno ka tirsan gobolka Awdal Awdal.
Guddoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh. C/Laahi Cige, oo war arintasi kus aabsan siiyey wariyaha Shabakada Harowo.com, ayaa waxa kale oo eedeymo kale u soo jeediyey wargeyska Haatuf oo uu ku tilmaamay waxa uu ugu yeedhay "warar an sal raad toona lahayn baafisa".
Guddoomiyaha oo ka hadlaya arrintaasi, ayaa yidhi " Waxan ogahay oo la soo caddeeyey in aanay jirin diyaarado uu leeyahaya maraykanku oo duqeeyey degaanno ku yaal gobolka Awdal, wararka la sheegay ee ay Haatuf qortayna ahaayeen kuwa been ah. Maaha markii ugu horreysay ee Haatuf qorto been meel loo raaco an lahayn, mana aha in warar aan jirin dadweynaha iyo dawladda lagu jaahwareeriyo, arrinta uu wargeyska Haatuf ka hadlay jimcihiina wax ka jiraa ma jirto. Waa naloo sheegay in aanay wax diyaarad ah iyo gantaallo toona aanay ku dhicin dhulka la sheegeyo. Waa wax dhici kara in waxyaalo an la garanaynin iskasoo dhacaan, balse maaha in wax aanay ahayn lagu sheego, sidaa darteed, waxan mar kale wargeyska u soo jeedinayaa inuu xil iska saaro hubinta wararka ay qorayaan."
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Sl
Email: moshimu@hotmail.com






