November 8, 2007

Xassan Sh. Muumin Muxuu uga Maqan yahay Maalinta Abwaanka London?

Waa su’aal da’waynoo madaxa daalinaysa! Sobobta uu uga maqan yahay abwaankii waynaa ee soomaaliyeed ee Xasan Sheekh muumin ee sameeyey ruwaayadii ugu qiimaha badnayd umada soomaaliyeed ee ku daabacnayd suugaantii lagu baran jiray dugsiga sare ee dalka soomaliya ka hor intii uuna burburku dalka ku dhicin.

Wejiyada ka muuqda sawirka shabakaha ku sharaxan, waxaad moodaa in ay jufo keliya ka socdaan, kuwaas oo ah beesha degta Hargeysa iyo Burco.

Ayaa soo qaban qaabiyey?
Muxuu yahay qorshuhu?
Ma abwaanka soomaaliyeed baa?
Ma kuwa jufada dhexaa?

Haddii ay soo qabanqaabiyeen beesha dhexe ee reer Sh Isaxaaq waa ay cadahay in Hadraawi iyo Gaariye meel ay hadalo isku waydaarsadaan inay rabaan.

Haddiise ay kulan abwaanada somaliyeed, aaway abwaanadii iyo qoraayadii waawaynaa ee umada soomaaliyeed ugu cad-cadaa, sida Xassan Sh. Muumin, Mahumud Ciise Sangub, Nuradin farax, iyo kuwa cusub sida Bacadle oo ay adkaan lahayd inuu yimaado, isagoo ku sugan xamar darteed.

Haddiise loo guntado kuwa badan oo ka duwan wejida gaboobay ee dagaaladii sokeeye aadka uga qayb qaatay, sida Hadraawi iyo Gaariye ma matali karaan bulsho waynta Soomaaliyeed ama Somalilandba.

Gaariye, ayaa laanta afsomalaiga ee BBC ka sheegaayey inuu ka soo qayb galay dhaq dhaqaaqii SNM oo ah wax laga xishoodo marka laga hadalayo abwaanada qaranka Soomaaliyeed. 

Hadraawi, inkastoo uu ka toobad keenay mar uu ka hadlaayey VOA in haddii uu hadalada qaar dib ula noqon lahaa uu la noqon lahaa sida caydii cadayd ee uu ku qaaday maamulkii Somaliya iyo dawladii ugu danbaysay intii dalku dumin.

Waxa loo baahan yahay in laga gilgisho weji qabiilka iyo sugaanta oo aan meel wada marin. meelna kama muuqato wax isku iimaanshagani wejiga uu leeyahay. Somaliland? Soomaali? jufada dhexe waxaan ahayn lagama dhex arko. Waar wax ha la’isku falo.

Runtii Xasan Sh. Muumin sharaf iyo maamuus ayuu ka mudan dhamaan umada soomalida ama Somalilandba iyo gaar ahaan reer Awdal oo uu u dhashay, sharafna ugama baahna dhawr oday oo meel iskugu yimid, iyaga oo qabyaaladan duluca ku guntan suugaana sheeganaya.

Tartan hadii la galo waxa cad inuu cidla kaga tagayo, markaa in been la isku sheego oo amaan la’isku tuulo waa la’iskaga baahan yahay mararka qaarkood, waayo waxay ila tahay haddii ay dhacdo in maalmaha soosocda lagu darin Xassan Sh. Muumin (Aaabaha Suugaanta Soomaaliyeed) inay ka baqeen inay wajahaan abwaanka culus kuwii soo qaban qaabiyey.

Suugaan iyo qabyaaladi - Dab dhaxmooday weeyaan
Qoraa iyo qabiilna - durdur oomay weeeyaan !!!

Waa ereyadaa Xasan Sh. Muumin oo aan jacburay - Xassan Raali noqo

Xassan Cumar (xassan yare)

Degmada Boon, Awdal

Email: xassan_somali@yahoo.com