October 30, 2007

W/Wershadaha S/land oo Been Abuur Kutilmaamay Inay Xukuumadu Kabaxday Magdhowga Shaqaaqadii Ururka Qaran Kasameyeen Burco.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wersheddaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamuud, oo xalay xafiiska Wargeyska Ogaal nagu soo booqday, ayaa sheegay in ay nasiib-darro tahay markii saxaafadda ku arkay warar ka hadlaya arrintii shaqaaqada Burco, oo uu ku tilmaamay mid aan u baahnayn in la qod-qodo oo si wanaagsan u dhamaatay.

Wasiirka oo sheegay inuu isagu ku hawlanaa xalinta amuurtaas, waxa uu soo-hadal qaadkeeda ku tilmaamay in la buun-buuninayo wax aan jirin. Isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay in guud ahaanba wixii halkaa (Burco) ka dhacay la soo gebogabeeyay. “Waxaan nasiib-darro ah in aan ku arkayay warbaahinta, arrin anigu aan ku hawlanaa oo Burco ka dhacday, taasoo aad moodo in si aan jirin loo buun-buuninayo, arrintaasina aad iyo aad bay uurku-taalo iigu samaysay.

Waayo meesha wax wanaagsan baa ka dhacayoo dhibaatadii meesha ka dhacday waa la soo af-jiray, si fiican baanay noogu dhamaatay,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray, “Markaa waxaan arkay dadka arrintaas sii hadal-haya, inaan loo baahnayn wax qod-qod iyo dadka in la sii kala fogeeyo.” “Rag xil-kas ah oo wadankan iyo ummaddan uu xilna ka saaran yahay, una damqanaya ayaa hawshan gacanta ila saaray.

Hawshiina is-afgarad iyo wanaag baan ku soo dhamaynay, in maanta waxaan jirin laga sheeg-sheegaana waxay ila tahay in qof dalka iyo ummaddan aan wanaageeda jecelayn ayuu u muuqanayaa, Waxaan kaloo aan arkay iyaga oo Urur-siyaasiga yidhi qaran baa nala yidhaahdo, inkastoo sharciyadiisii iyo wixii hadal ka taagan yahay iyo muran, in uu Qaran uu ka sheekeeyo arrin aanay Awr iyo Lugtoona ku lahayn waxay iigu muuqataa mid khalad ah.

Taasina waxay igu noqotay dee Dhidar xabaalo qoday qudhun buu uga dhaadhacaa. Waxaan odhan lahaa ama Qaran ha ahaato, ama cid kasta oo amuurtan ka hadashay ha ahaato’e, in aanay wax aanay waxba ka ogayn ka hadal. Waxaan mar kale u sheegayaa oo ku celinayaa, aniga oo kalsooni buuxda ku qaba oo aan wax mugdi ahi igaga jirin, oo arrinta gunteeda iyo sheekeedaba aan ogaa in Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxdii kale ee aanu arrintaa isaga aragnay, in ay arrintaasi ay sidii ay ahayd uga hawl-galayaan.

Dhamaystirkeedana uu Madaxweynuhu uu qaaday, oo uu doonayo ilaa iyo gebo-gabadeeda arrintaas oo muddo soo noqnoqnaysay oo Madaxweynaha iyo dawladuba ka warhaysay in dhamaystir wanaagsan uu Madaxweynuhu u qorsheeyay, hawsheediina uu gacanta saaray, cida arrintaa qod qodana waxaan u arkayaa in dadkii wanaaga iyo walaal-nimada laga dhex abuuray iyo Gobolkii mashaqada iyo shaqaaqada laga damiyay-na ay u samaynayaan Nabaro la damqayo” sidaa ayuu yidhi Maxamed Saleebaan.

Islamarkaana waxa uu soo jeediyay in laga howlgalo arrinta Gobolka Sool. Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Wadanka hiilkiisu wuxuu ku jiraa xaalada maanta uu dalku ku siman yahay, ee ah xuduudkeenii oo la doonayo in la sugo, cadow na soo weeraray, dadkeenii uu dhiiga, dhulka iyo dhaqankuba innaga dhexeeyeen oo isir ahaan qoorta layskaga duuduubay oo maanta laga furfuray in amuuraha caynkaas ah lagu hawlnaado oo aynu xooga saarno, ayaan anigu u arkaa.

Wax alla wixii inaga jeedinaya ee waxa aan jirin innaga abuurayaana ay tahay dhibaato ay wadaan cid aan wadan ka naxayn. Markaa waxaan odhan lahaa maanta waxa loo baahan yahay in ciidamada Qaranka iyo hogaanka dawlada, iyo siyaasada iyo himilada qorshaysan ee lagu doonayo in lagu sugo xuduudkeenii, dalka midnimadiisa in loo guntaddo ayaan filayay, ee in la qodo xabaalo oo arrimo dhibaato kolba saaxada la keeno, arrintaasi waxay iigu muuqataa nasiib-darro aad iyo aad aan uga xumahay.”

Intaa ka dib waxa Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyay Wasiirka Arrimaha uu ka hadlay, su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay-na waxay u dheceen sidan:

S: Guddidii u socotay shaqaaqada Burco ee marka hore u soo balan-qaadeen ee cuqaasha ahayd waxa la sheegay inay dib u noqdeen markii xukuumadu waxba ka qaban wayday arrintii, taa miyaad dedafaynaysaa?

J: Anigu guddiga halkan timi, markii horena iga daba-kaalaya maan odhan, markii halkan aan imina, cid tidhi ha yimaadeen oo u yeedhay may jirin. arrintii Burco ka dhacday iyo go’aamadeedii Madaxweynaha ayaan u dhiibay, wuuna ila qaatay, sidii heshiisku ahaana waxa uu igu yidhi arrintu intan way ka sii qoto dheer tahay oo way ka sii fog tahay, hawshaasna wadadaasaa loo marayaa. Waxaan doonayaa wixii jiray uun in laga wada bogsado oo aan dhinacyadii oo dhan isu wada keeno, arrintaana laga wada bogsado, arrintaana aniga oo wadadaa u maraya aan iminka Burco kaga imi in aan ku dhamaystiro oo ay noqoto arrin aynu mar ka wada faro-xalanay, go’aankiina uu sidii ahaado. Laakiinse inta laga sal balaadhiyo may ahayn.

Arrintu may ahayn in Station-ka Burco oo keliya ka dhacay way ka sal-balaadhnayd, wixii laysku hayayna wax caynkaas u sii ridan may ahayn, madaxweynuhuna wuu ka war-hayaa, waxa isna jiray aqal ay isna Hay’adi ku jirtay oo mashkiladi ka dhacday. Markaa hawlaha noocaas oo kale ah in mar kaliya la wada xaadho oo laga fara-xasho, qorshaheedii iyo nidaamkeediina madaxweynuhu wuu galay, sidaasaanuu ku qaatay oo arrintu ku fulaysaa.

S: Wadada loo marayo ee Madaxweynuhu kuu sheegay waa tee?

J: wadada loo marayaa waxa gacmo qabow baa lagu qabanayaa. Is-er-eryad dambe in aanu dhicin, wixii laysku hayay iyo wixii khilaafku uu ahaan in la soo af-jaro. Sidii aanu Burco ku soo wada-hadalay ee reerka Odayaashiisii iyo Beel-wayntii iyo gobolkii Burco dadkii ku wada noolaa in hawsha sidaas lagu soo dhameeyo oo hawshii halkaas lagu soo af-jaro sidaas ayaanu ku soo heshiinay.

S: Ka Wasiir ahaan waxay sheegeen ururka Qaran inaad hawshii ka baxday, isla-markaana Madaxweynuhu ku wareejiyay cid kale oo ka tirsan xukuumada, arrintaas bal ka waran iyada?

J: Qaran wax xidhiidh ah oo naga dhexeeyaa iyo wax aan u sheegay midna ma jiro, cid qaran oo aniga I waraysatay ma jirto, qarana maaha cod dadku lagu baahiyo, ee waxaan u arkaa urur sharciyadiisiina layskuba haysto ayaan u arkaa, wax aniga ay iga waydiiyeen, waxa hadal iyo ka hadal ah oo aanu arrintaa haba yaraatee ka yeelanay cid Qaran ah iyo cid kale oo jirtaa ma jirto. Laakiinse, amuurtii Madaxweynahaygii ayaan uga waramay, madaxweynahaygii baan farta ka saaray, waanuu igu hambalyeeyay, wuxuu yidhi hawshan intii hadhsanaydna anaa dhamaystiraya hawsheedii iyo qorsheheediina wuu wadaa madaxweynuhu.

S: Muddo intee leeg bay qaadanaysaa bay kula tahay, dadkii dhaymo iyo wax bay u baahan yihiin, lagumana noqon baa la leeyahay?

J: Kuma odhan karo intaa muddo le’eg bay qaadanaysaa. Laakiinse, arrintu arrin qiimaheeda iyo qadarinteeda leh bay ahayd, Madaxweynuhuna sidii ay ahayd buu u qaatay. Waad ka war-haysaa oo iminka cadow baa inoo soo miciyo lisanaya in ay arrintaasi wax yara hadhayso waa wax suuro-gal ah. Laakiinse arrintaas Madaxweynahaa gacanta ku haya, waanuu ku hawlan yahay, wanaan hubaa inuu wax ka qabanayo.

S: waxa jira odayaasha ay ka midka yihiin Xaaji Maxamuud iyo Maxamuud Cabdi Jibriil miyaanay ka mid ahayn odayaashii aad soo wada-hadasheen isla-markaana aad ku balanteen in arrintaas la dhamaynayo, markii dambena aad u sheegtay in arrintii lagaa wareejiyay, miyaanay taasi jirin?

J: Waxbaan hayay oo layga wareejiyay arrintu may ahayn, waxay ahayd arrin baan soo qabtay, dawladaan u keenay, madaxweynihii baan u keenay, madaxweynuhu wuxuu yidhi arrintu intaa way ka balaadhan tahay oo waan dhamaystiraynaa, intii aan go’aan soo qaatayna wuu qaatay, ee cid wax iga wareejisay iyo cid wax lagu wareejiyay midna ma jiro.

Ta labaad dadka ma wixii aanu Burco isku soo aragnay ee aanu soo wada hadalay, mise dadkii Hargeysa joogay ee aan ugu imi. Dadkii aanu Burco ku soo wada-hadalay ee aanu soo heshiinay dee odayaashii bay qaar joogaan. Waad waraysan kartaan Maxamed Daahir oo ah Chief Caaqil-ka beelwaynta Galbeedka Burco, oo raggii gacanta aad iyo aad ugu lahaa hawshaa, isku hawlay ee habeen iyo maalin u tafo-xaydnaa ee igala shaqeeyay ee isaga ay ahayd ee u sugan tahay libta iyo mahada ugu balaadhani hawshaa wixii uu ka qabtay ayaa caawa (Xalay) Hargeysa jooga, waad waraysan karaysaan. Cidii aanu Hargeysa isugu nimi ee aan arrinta sida wax looga soo qaybtay iyo siday u soo socotay ogayn kuwaa warkooda ma hayo.
 

Source: Wargeyska Ogaal

Login