October 30, 2007
Mad. S/land oo Tacsi U Dirayaa Eheladii uu Ka Baxay Marxuum Muraad Cabdale Mubaarag.
(انا للة وانا الية راجعون) : Madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu tacsi u dirayaa eheladii, qaraabadii iyo shacabiga Somaliland, isagoo ka tacsidaynaya geerida ku timi Alle ha u naxriistee Marxuum Cabdale Mubaarag, oo maanta oo ay bishu tahay 29/10/07 ku geeriyoodey Magaalada Hargeysa.
Marxuum Muraad Cabdale, waxa uu ahaa nin firfircoon oo reer Somaliland ah, hawlo badana ka qabtey JSL intii uu noolaa , taas oo ay ka mid aheyd, isagoo ahaa ninkii sameyey Calanka Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ilaahey uga baryayaa in marxuumka uu ka waraabiyo Janadii Fardowsa, ehelkiisi iyo qaraabadii iyo shacbiga JSL uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxa la ogaysiinayaa qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumku in Maalinta beri ah lagu aasidoono Xabaalaha Qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Aamiin……………………………..Aamin…………………..Aamin






