October 27, 2007
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Ka Soo Laabtay Socdaal uu Ku Tagay Dalka Sucuudiga

Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa maanta ku soo laabtay dalka ka dib markii uu mudo sadex todobaad ah uu safar ugu maqnaa dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya.
Gudoomiyaha Wakiilada Md: Cirro oo warbaahinta uga waramay intii uu ku sugnaa dalkaas kulano uu la yeeshay iyo qaybihii kala duwanaa ee uu la kulmay. Waxaanu sheegay in uu kulano xog waran ah uu la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee magaalooyinka Riyaad iyo Jidda.
Gudoomiye C/raxmaan Cirro waxa uu intaa ku daray in kulamadaa uu la yeeshay jaaliyada uu uga waramay xubnaha jaaliyada Somaliland eek u sugan dalka Saudi Arabiya horumarka dhinac walba leh ee dalku ku talaabsaday iyo xaalka guud ee dalka sidoo kale waxa uu kula dardaarmay xubnihii kulanka ka soo qayb galay ee jaaliyada in ay ka qayb qaataan hawlaha horumarinta ee ka socda dalka isla markaana ay maskaxda ku hayaan sidii ay wadankooda u caawin lahaayeen
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu ka hadlay arimaha gobolka Sool waxaanu hambalyo u diray Ciidamada qaranka eek u sugan jiidaha hore ee gobolka Sool iyo shacabka reer Laas-caanood.
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Hambalyo taa la mid ah uu u diray Sadexda Gole Qaran iyo Xisbiyada dalka oo go’aan wada jir ah ka qaatay talaabada lagu sugayo xuduudaha dalka
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa safar u gaar ah waxa uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga isaga iyo kuxigeenkiisa kowaad C/Casiis Maxamed Samaale waxaanay intii ay halkaa ku sugnaayeen ay kulamo la yeesheen jaaliyada Somaliland eek u sugan dalkaas sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu u waramay ama uu waraysiyo siiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas oo waraysiyo dhinacyo badan leh la yeelatay.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
E-mail: daralla06@yahoo.com






