October 26, 2007
Guddoomiyihii KULMIYE Ee Magaalada Lester UK Oo Cadeeyey Inuu Xubinimadii Xisbiga Iska Casilay
Guddoomiyihii xisbiga Kulmiye ee magaalada Lester ee dalka Ingiriiska Axmed Siciid Cali, ayaa sheegay inuu gebi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayay iyo xubinimadii uu xisbiga kaga tirsanaa.
Taas oo uu sabab uga dhigay eedayn uu u soo jeediyey dib u dhaca shirweynaha xisbiga Kulmiye ku yimid, isla markaana uu sheegay in barnaamijkii iyo xeerarkii u degsanaa xisbiga laga mid muhmal ah. Waxaanu guddoomiyaha Kulmiye ee Lester sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay hotel xaraf ee magaalada Hargeysa, balse muu cadayn gudoomiyuhu xisbiga kale ee uu ku biireyo, waxaase uu sheegay in isaga iyo taageerayaashiisa la aragtida ahiba ay dhowaan ku dhawaaqi doonaan xisbiga ay ku biirayaan.
Gudoomiyuhu isaga oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaasina waxa uu yidhi “Anigoo ka mid ahaa gudoomiyihii xisbiga Kulmiye ee magaalada Lester City ee dalka UK oo hogaaminayay ergadii Kulmiye ee magaaladaasi ee shirweynaha xisbiga kulmiye ka qayb-galkiisa dalka u timid, taas oo muddo saddex bilood ah aanu sugaynay qabsoomida shirka, balse shirweynahaasi oo ku beegnaa 15-kii July 2007 markii dambe naloo sheegay in shirweynaha xisbiga dib loogu dhigay horaanta bisha August ee dhamaatay.
Sidaas darteed markii arintaasi dhacday ayaanu dib ugu laabtay dalka Ingiriiska, kadibna waxaan halkaasi kula shirey taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee magaalada Lester, taas oo aan warbixin ka siiyey xaaladihii aanu kala kulanay xisbiga Kulmiye oo aanu weynay cid aanu kala hadalno sababaha dhabta ah iyo caqabadaha hortaagan shirweynaha xisbiga.
Sidaas awgeed markii aan arkay in mabaadiidii xisbiga aan ku raacay in laga leexday, isla markaana aan ku qancay in geedi socodkii shirweynaha xisbiga mugdi iyo muhmal galay, waxaanan go’aan ku gaadhay inaan si rasmiya xilkii gudoomiyenimo ee magaaladaasi iyo xubinimadii xisbiga kulmiye-ba iska casilo, aniga iyo taageerayaashayda ila aragtida ah ee magaaladaasi wixii imika ka dambeeya xisbigaasi kalsoonidii waanu kala noqonay, maadaama uu ku guuldaraystay qabashada shirweynahaasi”.
Intaas kadib, su’aalihii shirkaasi lagu wyediiyey, waxay u dhaceen sidan:
S: Markii aad dalka timid ma la kulantay masuuliyiinta xisbigaasi, ama wax ma ka weydiisay arimahan aad sheegtay?
J: Maxaan la kulmaa xitaa waxaan arki kari waayay mar aan xafiiska xisbiga tegay wax masuul ah oo xarunta fadhiya.
S: Haddii aad xisbigii aad hore uga tirsanayd ka baxday, ma noo sheegi kartaa xisbiga aad hada ku biireyso?
J: Horta xisbiga aanu biireyno aniga iyo taageerayaashaydu waanu ka fiirsan doonaa, dibna waanu ka soo cadayn doonaa.
Source: Haatuf






