October 20, 2007
Guusha UDUB ee Gobolka Sool, Geesinimada UCID, Mawqifka Guracan ee Kulmiye iyo Guuxa Dadweynaha Somaliland
Ugu horayn waxaan salaan qiimo leh Udirayaa Bulshada Gobolka Sool iyo Geesiyaasha Ciidamada Qaranka ee Jiida hore ee Gobolka Sool.
Sida aynu lawada socono, waxa markii ugu horaysay tan iyo markii Somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991 Somaliland usuuro gashay inay gaadho xadkeeda. waa mid ay guud ahaanba reer Somaliland , marka laga reebo koox yar oo inaga siyaasada awgeed farkanax siyaasadeed uun kunoqotay gacan kuhaynta Gobolka Sool.
Kadib markii ay si dhab ah Somaliland gacanta ugu wada dhigtay Gobolka Sool, waxa isasoo tarayay hambalyooyinka loodirayo Xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Qaranka ee Somaliland. Marka laga tago taakulaynta xukuumada ee joogtada ah, waxa markii ugu horaysay abaabul xoogan oo ay ku taakulaynayaan ciidamada qaranka abaabulay Marwada madaxweynaha iyo wasiirka arimaha qoyska oo taageerayeen garabka haweenka ee xisbiga talada haya ee UDUB. iyadaoo lasheegay inay xaflad ay kuqabteen madaxtooyada kudiyaariyeen cuntooyinka mudada dheer la isticmaalo sida sabaayada oo kale, oo baabuur shiraacan gaadhsiiyay jiida hore, iyaga oo xataa kubalan qaaday inay dahabkooda u iibin doonaan taakulaynta ciidamada qaranka.
Sidoo kale hogaanka sare ee xisbiga UCID iyo garabka haweenka eexisbigaas ayaa si aan kala hadh lahayn utaageeray guusha gobolka Sool. Waxaana xusid mudan in garabka haweenka eexisbiga UCID ay taakulaynf bustayaal iyo waxyaabo kaleba gaadhsiiyeen dhaawaca ciidamad qaranka ee lakeenay cisbitaalka magaalada Burco.
Hase yeeshay, waxa siweyn loo tabay hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo gabi ahaanba aan wax hadal ah laga maqal. iyada siyaabo kala duwan loo fasiray mawqifka dhabta ah ee KULMIYE kaqabo guusha gobolka Sool. dadka siyaasada Somaliland rogroca ayaa ku macneeyay firkanax siyasadeed oo kusoo booday xisbiga KULMIYE iyada oo awalba ladaalaa dhacayay maaraynta mawqifyada kala tagsan ee xisbiga gudiisa ragaadiyay. Tan Soolna ay u arkaan guul siyaasadeed oo usoo hoyatay xisbiga talada haya oo kaliya. Halka dadka qaarkiisna aaminsan yihiin in aan Kulmiye loogaba baran hambalyaynta Xisbiga UDUB ee talada haya, balse iyaga siyaasadoodu tahay uun cambaaraynta xukuumada, iyaga oo aaminsan in ay sidaas ku heli karaan taageero.
Waxaase xusid mudan in garabka haweenka xisbiga Kulmiye ay laqaybsadeen farxada iyo guusha gobolka Sool guud ahaanba shacabka Somaliland iyaga oo 100 Tanag oo Timir ah gaadhsiiyay ciimada qaranka. Talaabadaasi oo siweyn loosoo dhaweeyay guud ahaanba. waxaase talaabadaaas ay qaadeen garabka haweenka ee KULMIYE dabka kusii kordhisay dacaayadaha kadhanka ah hogaanka sare ee Kulmiye oo aan ilaa haatan cadayn mawqifkiisa siyaasadeed ee Guusha Gobolka Sool.
Guntii iyo gabagabadii, hadii aanu Kulmiye shacabka reer Somaliland ee jecel guusha dalkooda iyo taageerayaashiisaba u cadayn mawqifkiisa guusha gobolka Sool, waxa su’aal laga keeni karaa in looba baahan yahay nooca mucaaridnimada Kulmiye ee kudhisan cambaaraynta kolba cidii talada haysa iyo kacago jiidka guulaha ay gaadho Somaliland. iyada o mucaaridnimada saxda ah lagu sheego kutoosinta maamulka kolba wixii kaqaloocda ku taageerida wixii saxda ah. Waxaana looga baahan yahay guud ahaan shacabka Somaliland inay u midoobaan difaaca dalkooda, kana qayb qaataan taakulaynta ciidamada qaranka ee jiida hore.
Ahmed Ismail Abdi
Kuala lumpur, Malaysia
Email: xaaji810@yahoo.com








