October 18, 2007
Warsaxaafadeed Maanta ka soo Baxay Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland

Afartii sannadood ee ugu dambeeyay waxay qawlasata malesshaiyada Majeerteeniya caado ka dhigatay inay faro galin weyn ku samayso gobolada bari ee Somaliland.
Halkaa oo ay ummadda reer Sool iyo Sanaag ku haysay dhibaato aan loo adkaysan Karin. Somaliland oo nabadda ka doorbidday dagaal ayaa intaaba wadday wanaag iyo wada tashi.. Waxase ayaan darro noqotay inay waanagii garan weyday Qawlaysatada Majeerteeniya oo mar kasta abuuraysay xaalad dagaal dhalisa.
Haddaba, waxa is-weydin leh, Cadda Muuse miyaanuu ahayn kii soo magan galay Somaliland ka dib markuu u adkaysan kari waayay dhibta uu ku hayay Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Yuusuf.
Ma maanta markay ummadda reer Sool iyo Ciidanka Qaranku hoog iyo jab badeen ayuu Hogaamiyaha Qawlaysatada Maleeshiyada Majeerteeniya ku andiocoonaya waxa isugu kay tagay xoogag shiisheeye. Adduunku wuu ogyahay meelaha argagixisadu joogaan oo waxa caddayn u ah Garaacii Maraykanaka ee Baar Gaal. Maxkamadaha uu sheegayo miyaanay ahayn kuwii ay Somaliland cambaaraysay balse isagu la shiray. Asmarada uu afka ku dhuftay miyaanay cuqaashiisu si rasmi ah garoowe ugaga ambabixin si ay shirka Asmara uga qayb galaan.
Majeerteeniya miyaanay ahayn meeshan ganacsiga is-xambaarka dadka laga wado ee ay maalin kasta badweynta doonyuhu kula qaraq maan dadkay soo baadheen. Balse Somaliland miyaanay ahayn tan qabqabatay argagixisada ee mowqifkeeda u caddaysay adduunweynaha.
Markuu hogaamiyaha majeertyeeniya leeyahay calan Somaliland ka taagnaan maayo Sool, wax cusub muu soo kordhin ee waa naf la caaridnimo oo qas aan u socon doonin ayuu ku hamiyayaa. Hadduu u bartay dulqaad inay lahayd Somaliland oo uu siduu doono ka yeeli jiray dadka iyo dalka Somaliland, maanta samirkii wuu ka soo dhamaaday Somaliland, dibna u qaadan mayso gardarro iyo duulimaadyo qaawan oo dhiniciisa kaga yimaad.
Waxaannu uga digayna Qawlaysatada Majeerteeniya inay qalalaase gelin ka Garoowe iyo Boosaaso.Somaliland cidna ka baryi mayso sugitaanka xuduudaheeda caalamiga ah ee ay ka dhaxashay heshiisyadii ay kala qorteen Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya iyo Faransiiska.
Waxaanu u sheegayna adduun waynaha inaanayn Somaliland mas’uul ka noqon doonin dhibta soo gaadha Garoowe iyo Boosaasoo haddii ay Majeerteeniya joojin waydo gardarrada joogtada ah.
Axmed X. Dahir Cilmi
Wasiirka Warfaafinta
iyo Wacyigelinta
Wariye Mohamed Mussa - Inji
Hargeysa, Somaliland
