October 8, 2007
Odhaahda Akhristaha: Joojinta Xarbal Dacaayaha Samaroon
Walaal waad salaamantahay marka hore, waxanan ku leehay ciid mubaarak in advance: Intaa dabadeed Axmadow waxan filayaa inaad dadkaaga samaroon wanaagiisu ad jeceshahay, haddii taasi ay kaa dhabtahay, waxa wanaagsan in aanad u oggolaan webkaaga in aad ku daabacdo wixii xarbal dacaaya ah oo dadka samaroon isku diraya ama keenaya in la isku aflagaadoodo, sida faallada uu qorey Mustafa Jaamac Dharaar oo kale.
Dhanka kale waxa isna jira maqaal kaas la qaaba oo ku qoran saylici news oo isna ka sii foolxun kan webkaaga ku qoran ee mustafe. labadaa maqaalba way kala fogeeyeen durbaba dadkii oo in la yoolyooltamo ayaa bilaabantaya.
Waxanad ogtahay siyaasadda Awdal maaha mid u dhaxaysa makaahiil iyo maxamed case toona. waayo axsaabta mucaaradka ah samaroon oo dhammi way ku kala milmeen. Tusaale haddan ku siiyo maxamed case waa laba kooxood oo kala ah udub iyo kulmiye Makaahiilna waa sidoo kale, habarcafaan iyaduna waa sidaa si leeg. Sidaa darteed Axmadow. Walaal labadan reer ee wada dhashay ee aan isku ogeyn siddii la isugu soo dhaweyn lahaa in lagu dhirriyo ayaa ka fiican in la isku dhidhiyo.
Hadal iyo murti Axmadow walaal anuu waan ku garanayaa, garaad fiicanna waan kugu ogaa
arinkaa ka fiirso mar iyo lababa cawaaqib xumadiisa, hana i odhan qofku waa u xor fikraddiisa
waayo fikradaha qaar sida labadan maqaal dadkeennu uma baahna wakhtigan
Dadkeenna waad ogtahaya axmedow inay ku dulmanyihiin somaliland oo 12 kursi out of 80 aan ku leenahay. Waana khalad inagu an samayney oo shishiiyahay sida looga cadgoosto ma naqaan. Arrintaas oo kale ayaa u baahan in wax laga qoro dadkana lagu baraarujiyaa iyo gobol labaad iyo seddexaadba sidaan u korodhsan lahayn, taasa dadka waxtar u ah sida jagooyinka ayaa loo bixiyaa district yada isaaq dhulkiisa oo kale, kaamana qarsoona.
Axmadow walaal ninkii dadku doortaan ee samaroon ah ayuunbaa talada qaban doona no matter reer. kii dalka wax u qabta ayuunbaana innoo tol ah. Sidaa darteed axmed walaal jooji wixii fidno ku keenaya dadka, intaasaan ku odhan lahaa haddaad talaaa qaadato iyo haddaad qaadan weydaba waan kuu mahadnaqayaa.
Saylici news iyo webabka kalena waxan u qorey warqad sida tan oo kale ah iyaguna waay inay joojiyaan wixi xamaldacaayo ah ee fidno dadkeenna ku dhalin kara. Sidaa iyo Nabad Gelyo
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Yusuf Xirisi
London, UK






