October 6, 2007
Wafti Xisbiga Kulmiye ah oo Guddoomiye Axmed Siilaanyo Hogaaminayo oo Maanta Xabsiga Mandheera Ku Booqday Madaxda Ururka Qaran ee Xidhan.
Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo xubno kale oo ka tirsan Xisbigiisa, ayaa maanta booqasho ugu tagay Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran ee ku jira Xabsiga Mandheera.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisan oo saaka aroortii ka tagay Magaalada Hargeysa ayaa gudaha Xabsiga Mandheera kulan iyo xogwaraysi qaatay dhawr saacadood kula yeeshay Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran ee kala ah Gudoomiyaha ururka Qaran Dr: Axmed Cabdi Gaboose iyo labadiisa ku xigeen Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, waxaana sida wararku xuseen ay labada dhinac isla soo qaadeen duruufaha iyo xaalada guud ee Xabsiga iyo xaalkooda mudooyinkan u danbeeyay halka uu marayo, waxaanay siyaasiyinta Ururka Qaran ay u sheegeen in xaaladooda guud ee Xabsigu ay wanaagsan tahay.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo madaxdii kale ee la socotay waxay Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran ay waftiga KULMIYE ku wargaliyeen in sadexdooda siyaasi, ay isla qaateen in aanay ogolaanayn cafis iyo saamaxaad Madaxweyne oo wax u dhimaya sharaftooda iyo xuquuqdooda siyaasadeed ee mustaqbalka dhaw, waxaanay faahfaahin ka siiyeen waftiga KULMIYE qodobada cafiska iyo saamaxaada ee uu Madaxweynahu xaqa u leeyahay, iyo kan lagu yidhi soo qorta waxa ay ku kala duwan yihiin, iyagoo u sharxay cafiska ay u baahan yihiin in uu yahay cafiska Amnesty international oo dhigaya in aanay labada dhinac, waxba isku raacin.
Cafiskan iyo saamaxaada ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa waxa uu dabada ku hayaa Cafis uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku xidhay in marka ay soo waydiistaan Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran uu sii dayn doono
Waftiga uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mud: Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa intii ay ku sugnaayeen Xabsiga Mandheera ugu deeqeen aduun gaadhaya $5oo shan boqol oo dolar oo ay sheegeen in ay ugu talagaleen in ay wax ka tarto xaalada maxaabiista ee ku jira Xabsiga Mandheer Gaar ahaan maalmaha ciida ee fooda inagu soo haya.
Dhanka kale waftiga KULMIYE oo ka koobnaa 9 xubnood ayaa markii ay halkaa gadheen ay masuuliyiinta iyo ciidanka ilaalada Xabsigu ku wargaliyay, in liiska ay hayaan ama warqada fasaxa ay ku qoran yihiin in 7 xubnood oo kaliya ahi ay galaan gudaha, waxaana loo diiday in ay galaan Xabsiga Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha waftiga Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud: Axmed Siilaanyo hogaminayay, arintaas oo muran adag kadib ay gudaha Xabsiga galeen Gudoomiyaha iyo 6 xubnood oo kale, halka dibada mudo dhawr sacadood ah ay ku sugnaayeen labada oday ee ciidanka Xabsigu u diideen, Masuuliyiinta Xabsiga ayaa ku sabeeyay in dadka booqanaya maxaabiista ay sii daayaan oo kaliya inta ku qoran liiska wixii ka badana aanay awood u lahayn.
Madaxda Urur siyaasadeedka Qaran ayaa mudo gaadhaysa sadex bilood ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Mandheera, waxaanu xadhigoodu la xidhiidhay eedayn ay dawladu ku eedaysay in ay ku kaceen arimo khalkhal galinaya nabad galyada iyo in ay galeen is abaabul iyo olole aan xitaa loo ogolayn xisbiyada sharciga ah waa sida hadalka loo dhigaye!
Waxaana tan iyo intii wakhtigaa ka danbaysay soo baxayay baaqyo Madaxweynaha lagaga dalbanayo in uu sii daayo Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran, iyada oo baaqyada kuwoodi ugu danbeeyay ay ahaayeen baaq uu dhawaan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe uu Xukuumada iyo Madaxweynaha kaga codsaday in uu sii daayo Madaxda Ururka Qaran.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
E-mail: daralla06@yahoo.com






