October 5, 2007
Xaqaa’iqada Siyaasadeed ee Maanta ka Jira Somaliland
Waxa beryahan dambe hadal heyntoodu badantahay xaqiiqooyin siyasasadeed oo soo kordhayey. kuwaas oo runtii dhamaantood ka deyrinayey marxaladda siyaasadeed ee dalku hadda marayo.
Waxa ugu dambeeyey maqaal uu soo qoray Mohamed Muse oo runtii taabanayey dareenka siyaasadeed ee ay qabaan reer Awdal oo aad runtii uga duwan himiladii iyo rajadii weyneyd ee lagu hanan lahaa dawlad somaliland ka dhalata oo beelaha degan ay sinaan iyo cadaalad wax ugu qeybsadaan.
Haddaba, iyadoo ay cabashooyinkaas iyo soo jeedinta talooyinka sixidda waxyaabahaas la tabanayaa wax ka sheegoodu badnaa, ayaa hadana aad arkeysaa wax kasii daran ama weedho kasoo yeedhaya xisbiyada iyo xukuumada labaduba oo runtii ka fog halka daraeenka dadka reer Awdal taaganyihiin.
Waxaad maqleysaa xisbiga kulmiye ee mucaridka ee u halgamaya in talada wadanka gacanta uu ku dhigo oo musharaxa kowaad iyo ka labaad u qoondeeyey xubno ka soo jeeda isku beel oo berri ka maalin haday talada wadanka qabtaan uu madaxweynihii iyo madaxweyne ku xigeeniiba uu noqodaan isku hal beel. Waxa iyadna hore ujirtay in golihii barlamaanka oo berigii hore gudoomiyuhu uu ahaan jiray xubin ka soo jeeda reer sool (dhulbahante) ay bedelaan waa golaha cusubi gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenkaba inay noqdaan isla beeshaas badhtamaha (ISAAQ). Taasoo isku dheelitirkii qabaailka dhinaca mansabyayda muhiiimka ah ee dalka dhammaanba gacanta u galineysa beelo kasoo jeeda dagaananada gobolada badhtanka(ISAAQ).
Waxa intaas dheer saddexdii xisbi mucaarid iyo xukuumadba ay noqon donayaan gudoomiye yaashoodu isla beelahaas aan kor ku soo xusay. Waa haddii doorashada laga helo udub oo uu kulmiye qabto xukuumadda, ka dib doorashooyinka soo socda. Waxa intaa dheer shir gudoonkii guurtida oo isna kasoo jeeda beelahaas badhtanka (ISAAQ). Isku soo wada xooriyoo waxa meesha cad in wixii dalka somaliland ku dhisnaan lahaa si cad oo badheedh ah loo duminayo. Taasoo kasoo horjeedda waxa dastuurka somaliland ku qoran oo ah dhamaanba beelaha degan dhulka somaliland oo ah Gadabuursi, Ciise, Isaaq iyo Harti oo mid waliba dhulkiisa isagu u madax banaan yahay.
Waxaan ognahay inaan cidna waxba lagu qasbi karin ee dani ay isku keen keentay, inaan waddanka somaliland wada dhisano hadii ay somaliweyn ay meesha ka baxday. Waxaad ogtihiin in lix iyo toban sano Sool iyo Sanaag bari inaan fooda galin kari weynay ilaa ay dadkoodii kasoo go’day oo ay horkaceen ciidankii somaliland oo ku guuleystay in markii ugu horeysay galaan Laascanod. Waxa ay reer Awdal go’aankaas ay qaateen iyagoo eegaya danahooda 16 sano ka hor. Taasoo ay abaabuleen shirar waaweyn oo salka loogu dhigay sidii loo sameyn lahaa xukuumad iyo waddan somaliland.
Hase yeeshee, waxaas oo dhani waxay noqonayaan hal bacaad lagu lisay marka aad eegto imika sida ay wax usocdaan. Hadii aanay wax iska bedelin waxyaabahaas aan kor kusoo xusay waxa lama huraan ah in somaliland ay burburi doonto oo gobolada bariga iyo kuwa galbeedkuba ay meesha ka bixi doonaan, dabadeenna ay isku soo hadhi doonaan Burco iyo Hargeysa oo kaliya.
Waxaad ogtihiin in ra’yulcaamka aduunku aanu inoo soo jeedin oo Mareykanka iyo xlufadooduba ay mashquul ku yihiin waxa ay ugu yeedhaan la dagaalanka argagixisada oo fariinta ugu culus ee ay inoo soo faraan saaxiibkooda Meles Sanaawi ay noqoto in gobolada somaliland ee kala baxay ay iska ilaaliyaan Al itixaad iyo Alqaacida. Meles Sanawina xagga danbe ka raaciyo oo ku daro .ONLF.wixii intaas dhaafsani waxa laga yabaa inay noqoto erayo qurux badan oo dublamasiyeed oo yiraahdaan siddi caadada u aheyd waa in dadka somalidu aayahooda ay ka tashadaan.
Waxa laga yabaa inay dhacaan shaqaaqooyin cusub oo amaanka guud ee dalka wax weyn u dhimi kara. Waxase dhicikarta inay xiisad hor lihi kasoo cusboonaato dekadda Berbera oo labada gobol ee isku hadhay Burco IYO Hargeysa mid walba u doono in dakhligeeda iyo gacan ku heynteeda inuu yeesho.
Waxa laga yaaba taasi inay kalifto in uu Somaliland soo fara geliyo Mr. Sanaawi isga oo danihiisa gaarka ah ilaashanaya. Waxa kaleoo dhici karta inay soo dedejiso wada hadalo hore oo joogsaday oo sida lagasoo xigtay ila dublamasiyeed oo lagu kal soonyahay sheegeyay in Sanawi usoo jeediyey in dekadda seylac lagu siiyo liis (kiro) muddo 99 sanadood oo uu adeegooda iyo isticmaalka dakada u madax banaanado, isla markaana magdhow usoo cesho dhulkii la odhan jiray "Reserve Area" oo hada ka mid ah gobolka shanaad ee Itoopia, horena uga mid ahaa somaliland, dhulkaa oo uu isticmaarkii Ingriisku siiyey amxaarada 1954. Sida la ogyahay qaybo badan oo ka mid ah kililka shanaad ee degaanka Soomaalida waxa degan dad badan oo reer Awdal ah, iyada oo ay magaallo madax u tahay magaalada Awbare. Wararka ku saabsan wadahadladaas ayaa sheegaya oo in lagu lagu xidhay shuruud ah in Somaliland ay ictiraaf hesho.
Haddaba, hadii wada jirkii iyo wax wada qabsigii somaliland ay meesha ka baxdo, waxa dhici karta ina uu Mr. Sanawi oo runtii dekad uu xor u yahay aad ugu baahani uu wada hadalo la bilaabo reer Awdal, kuwaas oo la xirira arimahan aan kor ku xusay. Waxyaabahan aan ka hadlayo oo dhani waa wax dhici kara. Waana wax laga bad baadin karo dalka hadii laga baxo riyada beenta ah iyo hawaawiga ay dadka Somaliland qaar ka mid ahi ku riyoonayaan.
Dhibaatooyinkan iyo kuwo kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin, waxa lagag bixi karaa in madax iyo shicibba loo guntado in arimahan murugsan ee somaliland maanta ka jira meel looga soo wada jeesto. Waxa loo baahanyahay in madaxda asxaata mucaaridka iyo xukuumaduba inay muujiyaan aragti dheer iyo sidii loo heli lahaa xukun ama dadwlad iskudheelitiran. Hadii ay taasi dhici weydo, waxa ay noqoneysaa sheekadii laxda iyo saddexda waraabe ee ay ugu danbeystii laxdii qudha ka jareen markii ay dhaqan kariwaayeen. Qormadii saddexaad ee sheekadaas laxda iyo saddexda ayaan idiin soo deyn doonaa todobaadka soo socda. inshalla
Maxamed Cisman Diirane
Email: mohameddrn@yahoo.ca






