October 2, 2007
Prof. Ismaaciil Muumin Aar Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday In Uu Xisbiga KULMIYE Isu Taagayo Jagada Madaxweyne Ku-xigeeka
Hargeysa, (Harowo) - Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo ka mid ah aqoonyahannada reer Awdal ayaa caddeeyey inuu ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana uu isu taagayo musharraxa Madaxweynekuxigeenka ee xisbigaas doorashada Madaxtooyada ee soo socota.
"Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa, gaar ahaan dadka Gobolka Awdal ee aan ka imi inaan go’aansanay inaan ka mid noqdo xisbiga KULMIYE oo aanu doonayno inuu qabsado talada dalka, " ayuu yidhi Prof. Ismaaciil oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.
Prof. Ismaaciil, waxa uu sheegay in bishii September uu daboolka ka qaaday inuu doonayo inuu ku biiro xisbiyada Mucaaridka ah, gudahoodana isaga soo sharraxo musharraxa Madaxweynekuxigeenka, muddadaas kadibna uu indhaindheynayey labada xisbi ee mucaaridka ah kii uu ku biiri lahaa, wadahadalona uu la yeeshay. Isaga oo ka hadlaya sababta uu ku doortay xisbiga KULMIYE-na waxa uu sheegay inay is waafaqeen danta xisbiga KULMIYE iyo dantiisu.
"Xisbigu qof ma doonayee dad buu doonayaa oo food (cod) buu u baahan yahay doonayaa, dantiisu waa sidaa. Dantayaduna waxa weeye inaanu ka qaybgalo manaasiibta iyo hoggaaminta dalka, anaguna dantayadii waanu ka aragnay, " ayuu yidhi Prof. Muumin Aar.
Waxana uu intaas ku daray in sababta uu u danaynayo siyaasadda ay tahay isagoo waxyaabo badan soo qabtay dhinaca arrimaha Bulshada, waxbarashada, isla markaana uu doonayo inuu ka qaybqaato horumarinta dalka marxaladdan uu dalku marayo.
"Waxaanu leenahay, waxa loo baahan yahay in dalka hore loo dhaqaajiyo, dadka rajo la siiyo, dhallinyarada rajo loo abuuro, " ayuu raaciyey.
"Maanta waxa weeye dowladnimo wanaaggii way ragaaddey, Musuqmaasuqa iyo caddaalad-darradu halkay marayso eega, ‘ ayuu yidhi.
"Dowlad dadka ku filan ayaan doonaynaa ee dowlad qof ku filan ama 4 qof ku filan ma doonayno, " ayuu raaciyey.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
E-mail: daralla06@yahoo.com






