September 28, 2007

Mr. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) Gud. Hore ee Xis. Kulmiye oo Ay Kala Jiidanayaan UDUB, UCID Iyo Ururka Cusub ee Qaran Iyo Jawaab La’aantiisa

Hargeysa, (Harowo) - Tan iyo maalintii uu ku dhawaaqay Guddoomiyihii hore Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa Mr. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) in uu Kal-soonidii kala noqday Xisbiga KULMIYE ayaa waxa soo baxaya Warar sheegaya in ay Ergooyin ka socda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Xisbiga Muxaafidka UDUB iyo Urur Siyaasadeedka Qaran, kuwaas oo mid waliba danaynaya in uu ka mid noqdo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa Cismaan Hindi ma jirto war rasmiya oo ka soo baxay sheegayana Xisbiga uu ku biirayo, isnkastoo wararka la isla dhex marayo sheegayaan in uu wada hadal u socdo Xisbi Xaakinka Talada Haya ee UDUB, inkastoo Xisbiga KULMIYE ku sheegay eedaymihii iyo Shirarkii jaraa’id  is daba jooga ahaa ee   Cismaan Hindi ku baacsanayay Xisbiga KULMIYE inay ka dambeeyeen Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB.

Dadka Siyaasada u dhuun daloola ayaa ku tilmaamay Cismaan Hindi in uu ka qayb yahay wax-yaabaha dib-u-dhaca ku keenay Shirweynaha Xisbiga KULMIYE.

Halka dadka qaarna ay ku tilmaameen in uu ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa Kaan-beenar Culus oo marnaba Xisbiga KULMIYE sinaba uga maar mayn, isla markaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo uu ku dag dagay Xilka qaadistiisii Cismaan Hindi.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay jirto halgan ay Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB, Xisbiga Mucaaradka UCID iyo Urur Siyaasadeedka Qaran ay halgan ugu jiraan sidii uu uga mid noqon lahaa mid kasta, Laakiin waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Cismaan Hindi shaaca ka qaado cida uu ku biiri doono.

Faysal Maxamed Xasan

Harowo Reporter, Hargeysa

Email: daralla06@yahoo.com