September 24, 2007

Wasiirka Beeraha Oo Ka Hadlay Ayax Fara-badan Oo Lagu Arkay Magaalada Hargeysa Iyo Agagaarkeeda

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay Ayax fara badan oo labadii cisho ee u danbaysay lagu arkayay Magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Md: Aadan Axmed Cilmi (Dhoola yare) waxa uu shirkiisan jaraa’id ku sheegay in ayaxan la arkay ay Wasaaradu ogayd horana ay digniino uga soo saartay, mar uu arintaa ka hadlayayna waxa u yidhi Md: Dhoolayare “ waxaa maalintii shalay Abaara 6:00 ilaa 6:00 galabnimo lagu arkay Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadaha Maxamed Mooge ayax fara badan, waxaa horre idiinku sheegnay oo jirtay digniino hore aan idiinku sheegnay oo ahaa in uu qarxi doono koronkoradii uu aasay ayaxii hore inoo dhaafay oo ku beegnaa bishii ogost laakiin dib ugu dhacday bishan aynu ku jirno ee September” isaga oo intaa ku daray in laga soo sheegay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool laakiin aanu badnayn ayuu yidhi Wasiirka Wassaradda Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane Aadan Axmed Cilmi (Dhoola yare) isaga oo ka hadlayay waxyaaba ugu wacan soo noqnoqoshada badan ee ayaxa ayaa Yidhi “ Somaliland waa goobaha uu weerarka ka qaado ayaxu marka u duulimaadka ku yahay wadamada geeska Afrika iyo dalalka bariga Easia, dhawaan ayaxii ina dhaafay wuxuu u talaabay India iyo Pakistan inta uu koronkoradii aasay, markaa caalamku way ogyihiin ilgaarana way ku hayaan had iyo jeer xeebaha sSomaliland oo uu labada dhinacba uga faafo marka uu ku duulayo Geeska Afrika iyo bada cas”

Wasiirku wuxuu dadka ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan si loo dabar jaro ayaxa oo uu sheegay in uu dhibaato badan soo gaadhsiiyo dalaga iyo dhirtaba.
Isaga oo Md: Dhoolayare xusay in Xukuumadu dadaal badan ku bixisay lana kaashatay Hay’ada la dagaalanka ayaxa ee loo soo gaabiyo “BLCO” laakiin soo noqnoqoshada ayaxa ay sabab u tahay raxmaadka badan ee ka da’ay wadanka.

Ugu danbayntii wuxuu Wasiirka Wassaaradda Beeruhu ka digay in ay jirto koronkoro badan oo laga yaabo in ay dilaacdo, waxaanu intaa raaciyay in laga digtoonaado dadweyne iyo Xukuumadna loo diyaar garoobo.

Sida laga wada warqabo ayaxan lagu arkay magaalada Hargeysa maaha markii ugu horaysay, waxaana intii lagu jiray sanadkan dhacday in tiraba laba goor ooh ore ay dadweynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ay arkeen ayax tira badan oo duulaya hawada sare ee magaalada waxaana mararka qaarkood dhacda in dad u badan caruurta iyo dadka reer magaalka ahi ay dareemaan cabsi, sidoo kale waxa uu ayaxani marka uu magaalada soo dulmaro ka dhasha in uu ku dago gobo badan oo ay ka mid yihiin meelaha wadooyinka ay maraan baaburta iyo dadkuba taas oo keenta in lagu tunto dad badan ay kabuhu la sinbiririxdaan.
 
Faysal Maxamed Xasan

Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland

E-mail: daralla06@yahoo.com