September 24, 2007
Guddoomiyihii Ee Hore Komishanka Doorashooyinka Iyo Xubin Kale Oo Ku Biirey Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Harowo) - Axmed X. Cali Cadami oo ahaa Guddoomiyihii hore ee komishankii doorashooyinkii hore iyo Axmed Cali Goodir oo isna xubin ka ahaa komishankaas hore, ayaa shaaca ka qaaday in ay ku biireen Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye, sidaana waxay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
“Tolaw! Ma Dabaysha Maansuun Koonfur Galbeed Ee Ku Dhuftay Koomiishankii Hore Uun Baa Kalifay In Odayadu Cadhadii Isku Tuuraan Xisbiga KULMIYE?”
Qoraal ay soo saareen oo xalay oo loogu tallo galay saxaafada, ayaa u qoraa sidan:
“Sheegmo uma baahna in aanu ka mid aheyn komishankii hore ee sida farshaxanimada iyo garsoorka leh ku soo daadihiyey sadexdii doorasho ee dalka hooyo ka hirgaley, iyada oo cid kastaa xaq u leedahay in ay iska taagto , una qiiimeyso dhinicii ay ugu muuqato, haseyeeshee waa dhacdo taariikheed oo marag ma dooon ah oo si maxalli ah iyo si caalami ahna waxey ugu qoran tahey diiwaanka guulaha ee ay ku talaabsatey geedi socodka dimoqraadiyada Somaliland.
Si kastaba ha u soo kacaa kuftee kol haddii la gaadhey in la ansixiyo komishankii cusbaa ee xilka garsoor loo dhaariyey, taas oo aanu u rajeyneyno in eebbe u fududeeyo xilkaas qaran ee ummadu u igmate, fursaddani waxa ay noo samaxdey in aanu si wax ku ool ah uga qeybgalo loolanka siyaasadeed ee dalka, taas oo uu noo jideynayo dastuurka qaranka iyo shuruuda la xidhiidha magacaabista komishanka.
Halkii aanu ka ahaan lahayn daawadayaal ka gacmo xidhan doorka nagala gudbooni masraxa siyasada. Annaga oo ka duuleyna aragtida sare ku xusan, waxaanu si badheedh ah ula socodsiineynaa xisbiyada qaranka iyo dadka daneeya siyaasada in aanu ku biirney xisbiga qaran ee kulmiye, iyada oo ku talogalkayagu yahay in si hagrasho la’aan ah kaga qeyb galo taabogelinta himilada xisbiga iyo horumarinta danta guud ee qaran.”
Sida oo kale, Cabdilaahi Jawaan oo isna ahaa guddomiyekuxigeenkii komishankii hore ayaa isna hore ugu biirey xisbiga kulmiye.
Haddaba waxaa xusid mudan horay waxaa ugu biiray Xisbiga KULMIYE Cabdilaahi Jawaan oo ahaa guddomiye ku-xigeenkii hore ee komishanka Doorashooyinka Qaranka markaa waxaad moodaa in Koomiishankii hore u diga rogtay Xisbiga KULMIYE, haddaba waxaa la is waydiin karaa xubnahan u xuub siibtay Xisbiga KULMIYE ma lagu kal soonaan karaa dhex-dhaxaadnimadoodii hore? Mise dabaylaha Maansuun Koonfur Galbeed ee ku dhuftay Koomiishankii hore uun baa kalifay in Odayadu cadhadii isku tuuraan Xisbiga Kulmiye.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
E-mail: daralla06@yahoo.com






