September 23, 2007
Faalada Warka: Ma Dhabaa in Ismaaciil Muumin Aare Kusoo Biiray Liiska Musharaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka Reer Awdal ee Xisbiga Kulmiye
Saddexdii cash ee u dambaysay, ayaa magaaladan Boorama iyo degaanka Dila ee G/Awdal, laga hadal hayey aqoonyahan ka soo jeeda degaanka Dila oo la sheegay inuu go’aasanaday inuu ku biiray xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, isla markaana la sheegay inuu isku soo sharixi doono jagada madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye.
Ismaaciil Muumin Aare, ayaa sheekadiisa si weyn usoo baxday ka dib markii warar arrintiisa la xidhiidha ay baahiyeen shabakadaha wararka ee Awdalnews iyo Harowo.com oo waraysi la yeeshay Ismaaciil Muumin Aare, isagoo waraysigaana ku sheegay dhaliilo aan sidaa u buurrayn oo uu soo jeediyey xukuumadda maaxweyne Rayaale, taas oo ay dad badani u qaateen inuu u sii gogol xaadhanayo sidii ugu biiri lahaa xisbiga kulmiye. Dhaliilahaas uu u soo jeediyey xukuumada Rayaale ayey dadku u qaateen inay shuruud u tahay gelitaanka xisbiga Kulmiye iyo aqbalaada musharaxnimodiisa, inkasta oo warar kale oo arintaa xiqiijinaya iyo xidhiidhka uu la leeyahay hogaanka xibiga Kulmiye aanay soo bixin.
Marka laga hadlayo Ismaaciil Muumin Aare, waxay dad badan oo reer Awdal ahi ka dheregsanyihiin doorkii firfircoonaa ee uu ka soo qaatay xisbiga UDUB markii loo tartamayey doorashadii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Taas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Rayaale, wuxuuna Ismaaciil aad ugu dadaalay sidii xisbiga UDUB keligii loogu oggolaan lahaa magaalada Dila, isla markaana wuxuu carqalado badan hordhigay in la keeno sanadiiqda codbixinta ee asxaabta mucaaradka degaanka magaalada Dila.
Ismaaciil Muumin Aare, wuxuu muddo dheer ka soo shaqayn jiray hay’adaha samafalka waddaniga iyo kuwa caalamiga ahba ee ka hawl gala Soomaaliland, gaar ahaanna waxa uu madax ka ahaa xafiiskii UNDP ku lahayd magaalada Boorama iyo G/awdal, kaas oo dhawaan albaabada loo xidhay.
Marka laga reebo Wasiirka macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sh. Yuusuf iyo Agaasimahah Guud ee wasaaradda Maaliyadda Axmed Daa’uud, oo ay qaraabo yihiin Ismaaciil Muumin isku beekbana ka soo jeedaan, waxa uu Ismaaciil ka mid ahaa aqoonyahanadii, waxgaradkii iyo siyaasiyiintii degaanka Dila ee taageero buuxda siin jiray xukuumadda Daahir Rayaale.
Inkasta oo ay dad badani aaminsanyihiin siyaasaddu in aanay lahayn saaxiib waara ama joogta ah, waxay maanta dad badani isweydiinayaan sababta Ismaaciil Muumin Aare ugu biirayo xisbiga Kulmiye oo ay hada ka dhex jiraan khilaafyo murugsan oo ilaa hada maaro loo waayey, khilaafyadaas oo keenay inuu qabsoomi waayo shirkii labadaad ee xisbigu ku soo bandhigi lahaa musharaxiintii xisbiga ugu qaygali lahayd doorashooyinka soo socda.
Dhinaca kale siyaasiyiin hada ku sugan magaalada Boorama, ayaa aaminsan in tallabadan Ismaaciil ku kacay iyo isku soo sharixida jagada madaxweyne ku-geenka ee xisbiga kulmiye inay tahay tan ugu weyn ee isbddel siyaasadeed keeni karta, inkasta oo ay siyaasintaasi tibaaxeen inay tahay arin ku adag beesha uu ka soo jeedo ee degaanka Dila, kuwaas oo qaarkood aaminsanyihiin in Xisbigan uu Ismaaciil ku biirayo ay ku jiraan raggii baabiiyey magaalada Dila wakhtigii lagu jiray dagaalada sokeeye.
Inta ilaa hada la ogyahay Ismaaciil Muumin Aare waa aqoonyahanka keliya ee ka tirsan beesha Dila ee la sheegay inuu ku biiray xisbiga kULMIYE, hase ahaatee way jiraan rag hore uga tirsananaajiray xisbiga mucaaradka ee UCID. Dhinaca kale Ismaaciil saxaafadda gudahaha ma siinin tafaasiil ku saabsan tallabadan uu qaadayo. Waxase la tuhunsanyahay inuu cadaadis badani ka haysto odayaasha iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha uu ka soo jeedo, kuwaas oo badankoodu u qaadanla inuu Ismaaciil Muumin Aare ku biiray Xisbiga Kulmiye, sida wararku ay sheegayaana waxay u arkaan inay dhabarjab iyo sumcadxumo ku tahay beesha uu ka soo jeedo, kuwaas oo garab iyo gaashaanba u ah xukuumadda madaxweyne Daahir Rayaale.
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Ismaaciil Muumin ay arintani ku elliftay cadho uu ka qaaday sababta xukuumaddu madaxweyne Daahir Rayaale albaabada ugu xidhay xafiiska UNDP da ee magaalada Boorama, kaas oo Ismaaciil Muumin madaxa ka ahaa iyo isaga oo doonaya inuu kharbudaad kale ku sii kordhiyo xisbiga Kulmiye, siina xoojiyo khilaafaadka hada dhexyaalla, balse aanay nasteexo iyo taagero ka ahayn.
Dhinaca kale dad badan oo reer Awdal ah, ayaa aaminsan in arrintan Ismaaciil tahay mid khilaaf soo kala dhex galin karta labada beelood ee taageerada taageerada ugu badan siiya xukuumadda Rayaale, kuwaas oo kala ah beesha Dila (Reer Nuur ) iyo Beesh J/yoonis ee uu kasoo jeedo madaxweyne Rayaale. Ilaa hada lama oga meesha uu marayo xidhiidhka u dhexeeya Ismaaciil Muumin iyo xisbiga Kulmiye ee la hadal hayo inuu ku biiri doono. Waxa kale oo aan iyada ilaa hada la ogayn taageerada beesha Dila siinayso Ismaaciil Muumin dhamciisa siyaasadeed.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Sl
Email: moshimu@hotmail.com








