September 18, 2007

Ururka Jaaliyadaha Awdal ee Waqooyiga Ameerika: Gargaarka Mashaariicda Horumarinta Bulshada Awdal

Todobbaadyadii u dambeeyay, guddiga ururku waxay ku hawlanaayeen inay isku dubba ridaan sidii loo bilaabi lahaa gargaar ururinta loogu talo galay mashaariicda horumarinta Awdal. Waxay ururku horay u sii daayeen saddex mashruuc oo ahmiyad wayn leh iyo mashruuca ugu muhimadda dheer leh ee ah dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama.

Waxan hubnaa inad si wayn u garan kartaan howsha ururku dhabarka u ritay inta lee’g tahay iyo inay lagama maarmaan tahay in reer Awdal oo dhammi u xaytaan siday ururkan hiil iyo hooba siin lahaayeen. Waxan ku kalsoon nahay inad wada fahamsan tihiin wax qabadku inu ka dhasho aragti midaysan iyo itaal la isku geeyo. Dhita la ururiyay waxay keentaa dhaashi loo aayo. Si ay taasi u suura gasho, ururku wuxu isku abaabulay inay la xidhiidhaan dhammaan Jaaliyadaha reer Awdal ee ku nool cidhifyada adduunka iyo dadwaynaha gudaha Awdal jooga, hay’adaha iyo dalalka adduunyada ee deeqda bixiyaba. Wuxu ururku abuuray sanduuq loo bixiyay “Awdal Development Fund” oo lagu dhitayn doono deeqda horumarinta bulshada.

Ururku wuxu go’aansaday gargaar ururinta (Fundraising) lagu baahiyo Waqooyiga Ameerika, Yurub, Bariga Dhexe, Ostraaliya iyo Afrikaba. Wuxu ururku waax walba u magacaabay qof gilgila, dhiirrigaliyo, la taliyo, abaabuli sidii ay u bilaabi lahaayeen dhaqaale ururinta lagu fulinayo mashaariicda uu ugu horreeyo Jidka Dila iyo Boorama. Ururku ma sheeganayo inu yahay midka qudha ee ka mas’uul ah mashaariicda horumarineed. Laakiin, wuxu codsanayaa inay Jaaliyadaha iyo dadwaynaha reer Awdalba ka caawiyaan sidii guul wada jir ah loo gaadhi lahaa. Qofka waax kasta loo xil saaray ayaa la xidhiidhi doona Jaaliyadda ama bulshada halkaa ku dhaqan kalana shaqayn doona sidii ay isku abaabuli lahaayeen. Waxan kalsooni ku qabnaa inad wakiilka ururka ee waaxdiina u fidin doontaan kaalmo kasta oo lagama maarmaan u ah sidii loo heli lahaa waxtar sugan oo lagu fuliyo horumarka bulshadeenna.

1. Qamar Ibrahim – Director of Fundraising and Community Relations, Europe
 
2. Roda Mizan – Director of Fundraising and Community Relations, Middle East
 
3. Ebado Gelle – Director of Fundraising and Community Relations, North America
 
4. Abib Hamud – Director of Fundraising and Community Relations, Africa
 
5. Abdiwahid Osman – Director of Fundraising and Community Relations, Australia -  Legal Affairs
 
5. Fuad Ismail – Director of Commications