September 18, 2007

Qaar Ka Guddoomiyayaasha Degmooyinka Hargeysa Hoos Yimaada Oo Ku Dhawaaqay Inay KULMIYE Kal-soonidii Kala Noqdeen

Hargeysa, (Harowo) - Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Shir Jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Hutelka Maansoor ku cadeeyay in ay Kal-soonidii kala noqdeen Xisbiga KULMIYE.

Waxayna intaa ku dareen inay ka codsanayaan Guddoomiyihii hore Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa Mr. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) in uu go’aankan la qaato, iyagoo ka waramay ujeedada Guddoomiyayaashani ay Shirkan caawa u qabteen ayaa sheegay in ay sidan u yeeleen in taageerayaashooda, ay ku war-galiyaan in ay Xisbigii KULMIYE ka baxeen, iyagoo intaa raaciyay in ay ku buuri doonaan Xisbiga ay u arkaan in uu wado danta Gobolka Hargeysa, marka ay tashadaan waa siday hadalka ay u dhigeen.
 
Waxaanay halkaa ka akhriyeen Eedaymo iyo Dhaliilo intooda badani ay ku jihaysnaayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, o ay ku Eedeyeen in uu ka dhaga adaygay tilmaantii iyo dhaliilihii ay siiyeen ee ay doonayeen in Xisbigu ku saxmo waxaanay ugu dambayntii cadeeyeen in haddii dhagaha laga furaystay ay go’aan sadeen in ay Kal-soonidii ay Kala Noqdeen Xisbiga KULMIYE.
 
Faysal Maxamed Xasan
 
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland

Email: Daralla06@yahoo.com