September 18, 2007

Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal, Ayaa Tvga Magaalada Boorama ku Eedeeyey Inay Faafiyaan Dacaayado ka Dhan ah Xisbiga Kulmiye.

Boorama, (Harowo) - Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee G/Awdal, ayaa TVga magaalada Boorama ku eedeeyey inuu beryahanba ka wado dacaayado liddi ku ah xisbiga Kulmiye.

Waxana sii daayaa barnaamijyo laga dheehan karo abuuritaanka colaaddii sokeeye ee ay illoobeen beelaha Soomaaliland, iyada oo sida masuuliyiintaasi sheegeen loo baahan yahay in axsaabtu u sinnaadaan wararka iyo barnaamijyada laga sii daayo Tvga.

Dhinaca kale maamulaha TVga Boorama, Axmed Jaamac, oo aan eedaha xisbiga kulmiye iyo waxyaabaha ay ka cabanayaan wax ka weydiinay, ayaa noo sheegay "in Tvgu yahay mid u furan dadweynaha, cid kastaana ka hadli karto waxay doonayso, balse aanay taageerayaasha xisbiga kulmiye ee magaalada Boorama diyaar u ahayn inay hadlaan, oo ay ka waramaan amuuraha xisbiga, walina nooma soo gudbin waxyaabaha ay ka cabanayaan. Waxayna arintani noola egtahay anna hadli maayo, cid hadashana ma oggli. Telfishanada dalkuna barnaamijyada way kala  qaataan. Annagu dhex dhexdhexaad ayaan ka nahay siyaasadaha axsaabta. Waxana taa kuu caddayn kara waraysi aanu ka qaadnay Maxamed Jaamac Agbaal, kana mid ah golaha dhexe ee xisbiga kULIMIYE. Sidaa darteedna uma argano in hadalka masuuliyiinta kulmiye uu yahay mid dab ah."

Hadaba, Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa wakiilka xisbiga Kulmiye G/awdal, Aadan Xaaji Muxumed Aye, ayaa u qorraa sidan:

"waxa beryahanba isa soo taraya, gaar ahaan labadi bilood ee u dambaysay in TVga Boorama laga daawado uu doonayo inuu dadweynaha Boorama isku baro, kuna soo jiito  dacaaydo iyo afllagaadooyin lagu xumaynayo xisbiga Kulmiye iyo taageeryaashiisa."

Waxa kale oo wax lala yaabo ah, in barnaamijyada TVga Boorama laga soo siiyo TVga Qaranka ee magaalada Hargeysa, una soo xulaan shaqaalaha reer Boorama ee ku badan TVga qaranka. Barnaamijyada habeenadan sida xidhiidhka ah loogu celceliyo, ayaa waxa kamid ah kuwa ka sheekaynaya kala qaybsanaanta xisbiga KULMIYE iyo dhaleecaynta ay xisbiga u sooa jediyeen Cismaan Hindi iyo xubno kale oo ka tirsanaan jiray xisbiga iyo kuwo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UDUB, iyada oo aan barmaajyada Tvga Boorama lagu soo hadal qaadain wararka ku saabsan asxaabta mucaaridka ah iyo dhaliilayo xukuumadda.

Haddaba waxan masuuliyiinta iyo mukiilayaasha TVga Boorama kula talinaynaa inay dhawraan midnimada shacbiga Soomaaliland, oo haddii xukuumadda Rayaale dhacdo uu dalku sii jiri doono, shacbiguna isku hadhi doono, kana waantoobaan barnaamijyadan dacaayadda ah ee loola jeedo kulmiye."

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, SL

Email: moshimu@hotmail.com