September 15, 2007

Dhakhaatiirtii Kijaabi hospital ee Kenya oo Shalay soo Gaadhay Borama

Borama, (Harowo) - Shalay duhurkii, ayaa garoonka diyaradaha ee magaalada Boorama waxa ka soo dagay xubno ka kooban dhakhaatiir iyo macalimiin ka socota dalka Kenya, halkaa oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen dad faro badan oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee dadweynaha magaalada Borama iyo dhaqaatiirta magaalada.

Agaasimaha Isbitalka guud ee Borama, Dr Ismaacil X. Muxumed Aye, ayaa sheegay "inay dhakhaatiirtani ka socdaan Kajima Hospital oo ku yaal dalka Kenya, kuwaasi oo iskugu jira dhakhaatiir Qaliniin iyo macalimiin dhigta maadada Physics."

Agaasimaha, ayaa inta ku daray inay "ujeedadoodada socdaalkoodani yahay "inay caawiyaan dadka u baahan qaliinka iyo qaybo kale oo la xidhiidha waxbarasha Jamacada Camuud oo cisbitalka Boorama u isticmaala - Teaching Hospital."

Kooxdan isugu jirta dhakhaatiirta iyo macalimiintu waxay joogi doonan todobaad, waxayna iman doonan sanadkii 3 jeer, iyaga oo siin doona ardayda kuliyada caafimaadka casharo la xidhiidha waxbarashadooda, iyaga oo habeenkiina ka caawin doona dhakhaatiirta cisbitaalka bukaan jiifka u baahan qaliinka iyo shay baadhka."

Mar aan wax ka weydiiyey agaasimaha dadka ay qaliinka ku samaynayaan dhakhaatiirtani inay ka kooban yihiin gobolka Awdal iyo dhamaan gobolkada wadanka? Waxa uu ku jawaabay agaasimuhu Dr. Ismaacil X. Muxumed Aye "inay dadkani u badan yihiin reer Somaliland, in kastoo ay jiraan dad ka yimiday dalka Ethiopia, madaama uu gobolku ku yaalo meel u dhow xuduuda. Mararka ay yimaadaan dhakhaatiirtani qalniinka iyo kuwa indhuhuba dhamaan meel kaste ayaa looga yimaadaa isbitalka hawlaha ka socoda."

Weriye Sakariye Carab Cadan - Sakariye Suxufi

Harowo.com, Boorama

Email: sakariyesuxufi286@gmail.com