September 14, 2007

HAMBALYO: bisaylka siyaasadeed ee xishiga kulmiye muujiyey

KU:  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xubnaha Guddiga Fuliinta Kulmiye, Xubnaha Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Kulmiye, Xisbiga ugu da’da  yar Xisbiyada Somaliland, wuxuu  kasbaday  bisayl siyaasadeed oo uu ku mutastay  in loo hambayeeyo, loona bogaadiyo.  Arrintaas waxa laga dheehan karaa  tabaha xisbigu  isticmaalay  isu diyaarinta  shirweynihiisa labaad oo la filayo  inuu  qabsoomo   8 bisha Sep. 2007.  Sida la xasuusto shirweynihiisii 1aad ee lagu asaasay xisbiga kulmiye , wuxuu qabsoomay dabayaaqadii sannadkii 2002. taas oo macnaheedu yahay in Kulmiye shan sanno  jirsaday.

Talaabadaa demoqoraadiyadda ah  ee geesinimadu ku dheehan tahay,  waxay ka suurto geli la’dahay  Xisbiga talada dalka haya ee Udub,  oo  7  sanno jirsaday  iyada oo waqtigii la asaasay ku beegnayd horaantii sannadkii 2001.  sida xeerkiisa ka muuqata, waxay ahayd in shantii sannoba mar la qabto shirweynihiisa. Guushaa la yaabka leh, Xisbiga Kulmiye  waxa u suurto geliyey.

V.Tallaabooyin badan oo u qaaday dhinaca saxa ah. Tusaale ahaan:   

Isaga oo  fulinaya ballamihiisa ku xardhan xeerkiisa sida  ku dhaqanka  qodobka 15aad, oo tilmaamaya doorashada guddoomiyaha, ku xigeenadiisa iyo  xubnaha gollaha dhexe.

Markii la joogay shirweynihii 1aad ee asaasaka xisbiga waxa hal-hal loogu codeeyey guddoomiyaha iyo labada ku xigeen. Sannadkii 2003 waxa si cod furan ah lagu kala saaray musharaxiintii isusoo taagtay ku xigeenka madaxweynaha oo tiradoodu dhamayd  4 musharax. Arrintaasi waxay  muujinaysaa sida xisbiga Kulmiye uga jirto demoqoraadiyad dhab ah, iyada oo ay ka reeban tahay  is xambaarid, base waxa keliya ee la eegayaa ay tahay  cidii karti ahaan xisbiga hogaamin karta.

Sida laga wada war hayo  Xisbiga Udub ma ogola tartanka noocaas oo kale ah,  waxay  naf moodeen  habka ah si lamaane ah  oo ay sku duuban yihiin  guddooomiyaha iyo ku xigeenkiisu,  ayaa cod guud lagu  meel mariyey.

Joogtaynta fadhiyada guddiga fulinta ee xisbiga  Kulmiye waa arrin kale oo lagu faani karo , iyada oo xarrunta dhexe ee xisbiga  aad ka dareemaysid  sida looga shaqaynayo maadaama   fadhiyada guddiga fulintu ka socdaan  maalin iyo habeen arrinkaas oo aan lagu hayn xisbiga Udub, lamana  xasuusan Karo   waqti ay kulmeen guddigooda fulintu

kala saarida xilalka qaranka iyo ka xisbiga Kulmiye, waa talaabo kale oo  demoqoraadi ah, waxaa ka reeban xisbiga  in haddii xisbigu   ku guulaysto xilka madaxtooyada Qaranka, aanay Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1aad aany  sii haykarin  hogaanka  xisbiga sida xeerkiisa ka muuqata  sida hadda ka muuqata xisbiga Udub.

V. Xisbiga kulmiye oo asaaskiisii hore ka soo bilaabmay  urur, waxa guul u ahayd isaga oo  ahaa ururkii ugu dambeeye ee is diiwaan geliya  ururadii dalka laga ogolaa waqtigaas, haddana inuu tartankii ururada  ee doorashadii dawladaha hoose  ee bishii Dec.2002 uu galay kaalinta 2aad kuna guulaystay xisbinimada uu hadda sida dastuuriga ah  ugu  taagan yahay

Tartankii doorashada madaxtooyada ee sannadkii 2003;  waa guul aad u weyn  oo xisbigu gaadhay,  waxa mucjiso ahayd sida xisbigii ugu da’da yaraa u noqoday  mid guusha intaas ah hela.  Isaga oo xisbiga Udub kaga guulaystay 4 gobol oo ka mida  6da gobol dalka  Kuwaas oo kala ahaa:

-   Maroodi jeex

-  Togdheer

-  Sannaad

-  iyo Sool

Nasiib daro isaga oo xisbigu ahaa kii ku guulaystay madaxtooyada  waxaa caddaan ahayd in laga hiiliyey , balse waxa sharaf u ahayd inuu aqbalay arrintaas isaga oo xeerinaaya danta guud ee qaranka soomaaliland oo uu lexejeclo weyn ka qabo.

Guulaha uu ka gaadhay doorashadii golaha wakiilada waxay ahayd guul kale oo xisbiga u soo hoyatay,  in kasta oo lagaga horeeyey tirada guud ee kuraasdta, hase yeeshee  waxa u suurta gashay  inuu kaga guulaysto  xisbiga Udub  Gobolka maroodijeex ee caasimadda dalka  iyo gobolka togdheer oo ah caasimadda labaadd ee dalka. waxa kale oo xusid mudan in mudanayaasha xisbiga Kulmiyed ka soo baxay  ay yihiin kuwa ugu tayada wanaasan maadaama ay ugu aqoon badan yihiin

Tilaabooyinka dhinaca saxa ah loo gaaqay iyo guulahaa badan ee la gaaday, Xisbiga Kulmiye inuu yeesho bisayl  iyo in si xoog leh  loogu soo hirto ayna manta ka muuqato  taageerayaasha xisbiga  ee  buux dhaafay guddo iyo debeda

Tallo soo jeedin:

Ergooyinka fursadda u helay inay ka qayb gallaan  shirweynaha labaad ee xisbiga  waxaanu  tallo ugu soo jeedinaynaa inay dhawraan sharafta  iyo mid nimada xisbiga,  iyada oo xisbigani  yahay kala saadaalinayo  inuu la wareego  talada dalka doorashada soo socota “ HADDII EEBBE IDMO”

Waxa qoray:

1.        Xuseen  Axmed Caydiid  Guddoomiyaha lanta Kulmiye Bristol

2.       Maxamud Maxamed mumin

3.      Cabdi Dahir Camuud  Former Mp

4.       Garyaqaab Xasan Maxamed Adan

5.       Inj Axmed Yusuf Siciid

6.       C/risaq  Ibrahim Koshin

7.        Xasan Xaji Maxamed

DHAMAAN DADKANI WAXAY JOOGAAN OO KU NOOL YIHIIN Bristol/UK

Xasan xaaji maxamed

Email: Hassan.Araleh@second-step.co.uk.