September 13, 2007

Mudaharaadkii Shlalay oo siweyn usoo shaac saaray kala qaybsanaanta Xisbiga KULMIYE

 Dr.  Ahmed Xusen Ciise, Fagadhe, Dhagaweyne iyo Cisman Hindi oo Dhamaantood ku Gacan Saydhay Qaban Qaabada Mudhaharaadan oo Bilaa Sharci Ahaa.

Mudaharaad kooban oo ay mudo kasoo shaqaynayeen madax katirsan urur siyaasadeedka aan ladiwaan galin ee Qaran iyo masuuliyiin katirsan Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, ayaa shalay kaqabsoomay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Mudaharaadka hargeysa oo lagu qiyaasay kudhawaad 150 qof oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa si nabad galyo ah kudhamaaday. Waxa mudaharaadka si qorshaysan ugu biiray masuuliyiinta Kulmiye oo usii diyaar garoobay.

Waxaanu mudaharaadku kukoobnaa wadada hortagta wasaarada arimaha gudaha, mana jirin in magaalada lagusoo wareegay.
 
Hadaba warar mudaharaadka kadib soo baxaya ayaa sheegaya in kaqayb galka iyo ku lug lahaanshaha mudaharaadkii shalay iyo abaabulkiisa ay ku kala jabeen masuuliyiinta xisbiga kulmiye.

Waxa mudahaardkan siweyn udanaynayay, gacan wayn kulahaa garabka uu hogaamiye Ahmed Silaanyo Gudomiyaha Kulmiye, ayna ku wehelinayeen koox katirsan taageerayaashiisu, balse waxa si cad ugu gacan saydhay garabka uu hogaamiyo musharaxa madaxweynaha ee ilaa hada la ogyahay ee Kulmiye Dr. Ahmed Xuseen Ciise, oo ay kamid yihiin G/xigeenka kowaad ee Kulmiye Fagadhe, Mujahid Dhagaweyne, iyo Gudomiyaha Kulmiye ee Gobolka Hargeysa Cisman C/laahi Cigaal (Cisman Hindi) oo gabi ahaanba gaashaanka ku dhuftay kaqayb galka mudaharaadkii shalay.
 
Sababta dhabta ah ee ay garabkani uga qayb qaadan waayeen mudaharaadkii shalay ayaa lagu sheegay inay mudaharaadkan u arkayeen mid lagusoo beegay xili wafti baanka aduunka ahi booqasho kujoogo Somaliland, ujeedadiisuna tahay sidii waftigan lootusi lahaa in Somaliland aanay xasiloonayn xiligan xaadirka ah, sidoo kalena loogu tarjumo in aanay sugnayn nabadgalyada masuuliyiinta baanka aduunka ee Somaliland booqashada kumaraya.

Ujeedada labaad ayay kusheegeen in aan loomarin nidaamkii sharciga ahaa ee mudaharaadka oo ahaa in lalasocodsiiyo haayadaha sharciga ee kushaqada leh si nabadgalyada iyo mudahraadkaba ula socdaan, si aanay mudaharaadka uga faaiidaysan dad aan jeclayn hurumarka Somaliland.
 
Gabagabdii, koobnaanta kasoo qayb galayaashii mudaharaadkii shalay, kamuuqashada garabka Siilaanyo, iyo kamuquurashada Dr. Ahmed Xuseen Ciise, Fagadhe, Dhagaweyne iyo Cisman waxay dibada soo dhigtay kala qaybsanaan weyn oo xisbiga kujirtay tan iyo bilawgii qaban qaabanqaabada shirweynihii labaad ee xisbiga Kulmiye oo haatan isku rogay   shir beeleed.

Waxa kale oo laga dheehan karaa korodhka taageerayaasha Musharaxa madaxweynaha ee Kulmiye Dr. Ahmed Xuseen Ciise iyo garabkiisa oo aan taageerayaashooda madasha lagu arag.
 

Source: Qarannews