September 7, 2007
Kulmiye Haddii Aanu is Kufin, Kursiga Wuu Kasban karaa!
Hashim Goth, Harowo.com = DUBAI, Sep. 04 - Maalmahan waxaa hadheeyay guud ahaan Somaliland daruuraha kulmiyaysan ee dul taagan hawada Dalka, daruurahaas ayaa u muuqda qaar sedkoodii go’ay oo raba in ay ku da’aan dalka guud ahaan, Waxaa la filayaa shir weynaha labaad ee xisbiga kulmiye in uu bilaabmo maalmoyar ka dib, Ififaalaha soo baxaya ayaa ah qaar uu ka dhexmuuqdo tartan xisbiga gudihiisa ah, tartankaas oo tusaale u ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka soo ifbaxday.
Hadaba dadka ka faalooda Arimaha siyaasadeed ee Axsaabta Somaliland ayaa ku tilmaama ololahan kulmiye dhexdiisa ah mid laba qaybood ah, oo ay qayb walba dhankeeda isku siyaasad tahay, Marka hadaba aan kala qaadno labada qaybood iyo Miisankooda ee aan eegno afkaaraha ay kala wataan.
Hadii aan ku horayno dhanka Miisaanka badan oo ah xaga Gudoomiyaha xisbiga, oo ah rug cadaadi siyaasada inta badan ku soo jiray oo ah Axmed Siilaanyo, inta badan waxaa la socda dhankiisa rag Aqoonyahan iyo Baayacmushtar iskugu jira. Kooxdani waxay jecel yihiin in dalka lagu hogaamiyo Aqoon iyo siyaasad sare.
Hase ahaatee waxaa lagu dhaliilaa in ay gees aragtidoodu ka hoosayso taas oo ah xaga labada jago ee m/weynaha iyo m/xigeenka oo ay jecel yihiin in ay hal beel oo beelaha Somaliland ka mid ka soo wada jeedaan. taas oo wax weyn u dhimaysa hana qaadka wax wada qaybsi ee bulshada Somaliland, isla markaana ka dhigaysa kuraasta dalka mid hal beel ahi isku camirtay. habase ahaatee Kooxdani rajadooda siyaasadeed waxaa kor u sii qaadaya hadii ay isku dheeli tiraan saami qaybisiga xukunka oo la isku dheeli tiro.
Qaybta labaad oo ah koox u badan ururkii ASAD ee ku soo biiray xisbiga kulmiye wakhtigii doorashada madaxtooyada, waxay Aaminsan yihiin in xisbigu doorto dad siyaasada ku cusub, isla markaana hogaanka dalka ay qabtaan dadkaas, waxaan lagu amaanaa in ay jecel yihiin M/wenaha iyo K/xigeenkiisa in ay ka soo kala jeedaan beelaha Somaliland dega oo ayna noqon hal beel.
Waxaase lagu dhaliilaa kooxdan in ay yihiin xubnihii Calancasta ahaa, isla markaana ah rag mayal adag jecelna xukunka.
Markaan dib ugu laabto dulucda iyo ujeedada maqaalkayga, isla markaana dib u jaleeco doorashooyinkii hore Dalka ka dhacay, xisbiga Kulmiye wuxuu ahaa Axsaabta xisbiga ugu xulista fiicnaa xubnihii Goloayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka.
Hadaba maanta waxaa jirta fursad fiican oo ay haystaan xisbiga kulmiye iyo raga talada xisbiga gacanta ku hayaa, taas oo ah in marka hore ay tixgeliyaan Aqoonta, waayo Aragnimada, Dheelitiranka Saami qaybsiga Bulshada, isla markaana xushaan xubno cilmi iyo aqoon leh sida dastuurkoodu dhigayo horena looga bartay. waa in xisbigu tixgalinta siiyaa Waayo Araga Siyaasada iyo Aqoonyahanka, isla markaana ka fogaadaa qof jeclaysiga iyo qof necbaysiga. Dadka ay soo jiidanayso Aragtiyaha noocaas ah ee aan soo sheegnay ayaa u bahan in xisbigu karti u yeesho sidii uu u hanan lahaa ee ku cusub xisbiga ama jidka ku soo jira.
Ugu dambayn waxaan maqaalkayga ku soo koobayaa in xisbigu hadii uu ka baydho jidka toosan uu isagu is kufinayo, Hadii xisbiga Kulmiye qaato talooyinka suubana uu noqon doono in uu kasbado kursiga ugu sareeya Dalka. Kulmiye haddi aanu is kufin, Kursiga wuu kasban karaa !
Hashim Goth
Harowo.com, DUBAI
Emil: hashimgoth@hotmail.com








