September 4, 2007
Wafti Ka Socaday Dalka Ingiriiska Kana Tirsan Baarllamaanka Ayaa Maanta Hargeysa Soo Gaadhay
Hargeysa, (Harowo) - Wafti ballaadhan oo ka kooban afar xubnood uuna weheliyo Danjiraha Addis Ababa u fadhiya dalka Ingiriiska ayaa maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Waftigan waxa uu dalka ku yimi Booqasho rasmi ah mudo laba maal-mood ah, Waftigan ayaa mudada uu joogayo dalka waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Baarllamaanka, Guurtida, Xisbiyada Mucaaradka, Xubnaha Bulshada Rayidka iyo dadka dhalashada Ingiirska ahaysta ee dalka jooga.
Waftigan oo maanta 12:00 duhurnimo ka soo dagay Madaarka Cigal Intonation Airport waxa ay la socdeen Diyaarad gaara ah, isla markiiba waxa ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiiro kale oo Qado Sharaf u sameeyay Waftigan.
Afartan Xubnood ee ka tir san Baarllamaanka Ingiriiska oo uu ka mid yahay Alan Michel lagana soo doorto Magaalada Kaadhif iyo Dan jiraha Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Bob Dewar.
Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin Xidhiidhka Dibada Xaalada Dhaqaale ee Somaliland, Caafimaadka, Waxbarasho Horumarinta iyo Qorshaynta. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in Waftigan uu ku yimid Booqasho Rasmiya oo laba maal-mood ah ay ku yimaadeen Somaliland, balse wax faa’faahina kama bixin.
Faysal Maxamed Xasan
Report Harowo/Hargeysa
Email: ashqaraar@hotmail.com






