September 3, 2007
Golaha Wakiilladda Oo Barri La Fillayo In Ay Ansixiyaan Labadii Xubnood Ee Koomiishanka Qaran
Hargeysa (Harowo) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigooda aroorta codka kalsoonida u qaadaya labadii xubnood ee todobaadkii hore Golaha Guurtidu, usoomagacaabeen ka mid noqoshada Komishinka Doorashooyinka ee kala ahaa Xasan Maxamed Cumar {Xasan Looshane] Iyo Ismaaciil Muuse Nuur.
Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad,ahna ku simaha gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa fadhigii golaha ee saaka Xildhibaanada ku wargeliyay in aroorta la horkeeni doono labada xubnood ee Komishink
Doorashooyinka.
Fadhigii maanta ee Aqalkaas,oo ay madasha shirarka ka soo xaadireen 46 Mudane,waxa ay ansixiyeen ajande ka kooban laba qodob oo kala ah dhamaystirka Xubnaha Komishinka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka IyoMadaxtooyada,oo ay ku shaqaynayaan inta ka horaysa Bisha ramadaan ee fooda inagu soo haysa. Labadaas Qodob waxa ogolaaday 42 Mudane,3 way ka aamuseen,gudoomiyuhuna muu codeyn.
Xubahan oo aroorta Golaha Wakiilada la horkeenayo,waxa maanta su’aalo iyo xogwaran la yeeshay Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka Wakiilada. abadan Xubnood oo saxaafadu wax ka weydiisay in ay rajo ka qabaan in la ansixiyo iyo in kale,ayaa sheegay in aanay olale u galin sidii loo ansixin lahaa,balse waxa ay xuseen inay rajaynayaan inay Golaha ka helaan kalsooni ay Komishinka doorashooyinka kaga mid noqdaan.
Faysal Maxamed Xasan
Report Harowo/Hargeysa
Email: ashqaraar@hotmail.com






