September 3, 2007
Faalada Warka: Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland oo Noqday Makhaayad Laga Muraadsado!!!
Sida sahlan ee ay Golaha Wakiilada Somaliland maanta cod aan loo kala hadhin ugu ansixiyeen labadii xubnood ee ka maqnaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxay markhaati buuxa u tahay inuu goluhu lumiyey miisaankii, shraftii iyo haybadii ay ka filyayeen shacabka Somaliland.
Sida wararku ay sheegayaan fadhigan aan caadiga ahayn ee ay saaka isugu yimaadeen xildhibaanada Golaha Wakiiladu, kana soo qayb galeen ilaa 64 mudane, ayaa waxay intuba isku raaceen in bilaa dood lagu ansixiyo labada nin ee la hor keenay.
Hadabada waxay arintani tusaale fiican u tahay, in mudanayaasha Golaha Wakiiladu ayna wakhtigan xadirka ah u madax banaanayn codkooda, waxana halkaa ka muuqata in loo didiyo hadba dhinaca ay shir gudoonku la rabaan. Marka runta loo hadalo kuma khsbana Golaha wakiiladu inay gaashaanka ku dhuftaan wax kasta oo la hor keeno, waxase la yaable inay shalayna dhinac laga filayey u dideen, maantana dhinac kale oo aan laga filayn! Waa wax caqli ka fog mudanayaashii shalay xabadka iska tumayey ee lahaa waa inaan cashar lama ilaawaan ah barnaa madaxweyne Daahir Rayaale iyo Golaha Guurtidaba, ayaa maantana duuduub sidii "midho Daray ah" ku qaatay laba nin oo aan wax badan laga ogayn, xitaa ilaa hada sawiradooda laguma arag wargeysyada wadanka ka soo baxa.
Golaha Wakiiladu (Baalamaanka) iyo saxaafada wadanada dimoqraadiga ah iyo kuwa hiigsanaya sida Somaliland, waa muraayad laga dheehan karo tayada iyo heerka ay taagan tahay aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee dadweynaha ku dhaqan wadankaasi. Marka laga reebo Golaha Wakiilada, Labada laamood ee kale ee ay xukuumadda Somaliland ka koobanatahay waa madaxtooyada iyo Maxkamadaha qaranka. Madaxtooyada wadan kasta, ha ahaado dimoqraadi ama kali talise, waxay isku daydaa in ayna talada la wadaagin labada laamood ee kale, waana wax iska caadi ah oo wadan kasta ka jirta. Dadka loo soo amagabo Maxakamadahana waxa ansixiya baalamaanka, sidaa darteed baarlamaanku waa xudunta maamulka dalka.
Golaha Wakiiladu waa udub dhexaadka wadan kasta oo dimoqraadi ah ama ku taamay inuu noqdo, waa meesha kaliya ee kulmisa mucaarad iyo muxaafidba, waxana intaa u dheer iyada oo Golaha Wakiiladu uu yahay halka muwaadinka, degmooyinka iyo gobolada wadanku ka kooban yahay ay ku leeyhiin cid u xaglisa danahooda, isla markaana ay ku hagaajin karaan wixii cabsho ah ee ay gocanayaan. Kuma soo koobi karno qaraalkan gaaban ahmiyada uu leeyahay baarlamaanku, waxaase inagaga filan inuu si kasta oo loo dhigoba, Golaha Wakiiladu yahay laf dhabarta wadanka, iyada oo marka la eego Somalilandna ay ka sii weyntahay doorka ay ka ciyaari karaan horumarka dalka, waayo waxaynu wada ognahay Golaha Guurtida ee Somaliland oo aan doorasho xalaal ah ku iman sida Golaha Wakiilada.
Hadaba maxaa keenay inay saaka sidii adhi waraabe ku dhex dhacay dhinac u wada didaan? Jawaabtu waa hadii aan la iska indho tireen, diidmadoodii hore oo aan haba yaraatee wax micno ah ku saylaynayn. Sababta ugu weyn ee ay Golaha Wakiiladu ku andicoodeen inay ku diidayaan labadii nin ee hore, iyaga oo ku tilmaamay inay ka weyn yihiin da’dii loo xadiday xubnaha komishanka, ayaa marka runta loo hadlo aanay waxba ka jirin, waayo ugu yaraan mid aka mid ah xubnihii la ansixiyey ayaa la da’ ahaa kuwii la diiday. Mida kale shir gudoonka Golaha Wakiilada oo og inay markastiba ka gacan sareeyaan madxweynaha hadii ay timaado cod bixini, ayaa hadana in ka badan laba bilood diidayey in dib loo soo celiyo labada xubnood, waad u jeeday inayna ku qaadan labo saacadood inay ka takhalusaan labada nin.
Si Kastaba ha ahaate, waxaa in mudo ahba iska cadayd in ujeedada ugu weyn ee Golaga Wakiiladu ku daadifeeyeen labadii xubnood ee hore ay ahayd canaad iyo dhafoor taabasho ay ula jeedeen madaxweynaha iyo Golaha Guurtida Somaliland, taasina ay tahay, waxaan meesha qaban oo ay ku lumayso danta guud ee shacabka Somaliland. Kaaga darane hanjabaada iyo afxumada ka soo baxaysay xidhibaanada qaarkood, ayaad moodaa in loola dan lahaa in lagu kala kaxaynayo beelaha Somaliland, taasina waxay markale hoos u sii dhigatay maqaamkii uu lahaa Golaha Wakiiladu oo markii horeba liitay.
Siday kaliya ee loo manaysan karo cod bixintan janjeedha ee Golaha Wakiiladu saaka ku ansixiyeen labadan xubnood ee dambe, waa iyaga oo markan isku sheexay, kuna adkaatay inay markale diidaan labo nin oo ka soo jeeda beelaha dega darifyada Somaliland, maadaama ay ay deg deg ku ansixiyeen shan kale oo isku hayb ah. Qaabka iyo farsamo xumada ka muuqata maamulka Golaha Wakiilada ee Somaliland, ayaa dhaxalsiisay inuu u ekaado makhaayad ay ka muraadsadaan kooxo mayal adag oo dano gaar ah wata.
Waxa la yidhi "Aluf ka Xumaadaa Al Baqruu ku Qabataa". Waxaa Waxaagsan inay shir gudoonka Golaha Wakiiladu sidan isku dhaamaan, wax badan ayaa wali la toosin karaa, waana inay si xikasnimo ah u gutaan wajibaad iyo xilka taariikhiga ah ee saaran. Ha noqoto madasha ay ku kulmayaan xidhibaanada Somaliland meel ay ka dhacdo doodo iyo baane cilmiyeysan oo kor u qaada garaadka iyo wacyiga siyaasadeed ee dadka reer Somaliland. Yaanu noqonin Golaha Wakiiladu meel lagu maamulo xigtaysi iyo qabyaalad, hala qaato labo taloba tii roon. Waxa lama huraan ah inay xasuusnaadaan shir gudoonku hadii maanta Golaha Wakiilada loo aaso dhidibo adadag oo dhaxal gal ah, wuxuu noqon doonayaa mid loo aayo sida kuwa wadanada horumaray.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Ahmed Sheekh
Tifaftiraha Harowo.com






