September 1, 2007

Xummadda Doorashada Soomalilaan 2008

Xummada doorashooyinka fooda ku soo haya dhulka Soomalilaan ayaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweeyn sida magaalada bilicdasan ee buuraleyda ah ee Boorama. 

Markelya ayaa laga warhelay Huda Barkhad oo leh “waxaan dhisaynaa garoon kubada cagta ee Biroole, waxaan la kaashanayaa dhismaha garoonka qurba jooga awdal…”. Dhinaca kalena mucaaradka ayaa ayaku mar horaba bilaabay, carinta boogaha qabyaalada kana faa’iidaysanaya jawaabta.

ilaa hadda, hal W/xigeen ayaa Kulmiye u soo galay kadi markii uu xisbiga talada haya ee UDUB uu ku sheegay ina aanu wax u qaban beesha uu ka soo jeedo. Lama yaabayo, maxaa yeelay SL dimoqraadiyada ay ku faanayso waxaa  mishiin u ah qabyaalada iyo oday dhaqameed, markaa, waa ku saxanayahay W/X-ku, laakiin waxaa isweydiin ka joogtaa wakhtiga arintani ku soo beegantay.

Mar sii horaysayna xukuumadau waxay ereiday, nin aad ay iskugu dhawayeen M/W Rayaale. Waxaa loo aanaynayaa aritaa eriga wasiirka, ka sokow guuldaradii milateri, inay mucaaradku tashwiish geliyeen xidhiidhka wanaagsan ee M/Weynaha iyo Wasiirkiisa ciidanka qalbka sida. M/weynuhuna ilaa hada waxu taabi  laayahay bedelkii Wasiirkaaas.

Xisbiga UDUB, waa xisbiga ugu da’da weeyn axsaabta SL. Waxaa xisbigan aasaaskiisa lahaa ruugcadaagii siyaasiga ahaa A.H.N Max’ed Xaji Ibraahim Cigaal. Rayaale oo mar ahaa M/Kuxigeen ayaa hogaanka xisbiga iyo Madaxweenaha JSL noqday kadib geeridii Cigaal. Islamarkaa xisbigu doorasho adag ayuu la galay axsaabta mucaaradka ah ee labada ah 2003, doorashadaas waxay guul farqa lagula dheganyahay ku raacaday xisbigaan UDUB.

Ilaa hadda Kulmiye, waa ka mormaa guusha laga helay. Gudaha xisbiga , ma cada ilaa inta ay dhantahay, sida ay xubnaha xisbigu u taageersanyiin Gudoomiyaha islamarkaana ah M/Weeynaha. Mana kala cada in M/Weynaha loolan gudaha xisbiga kagasoo wajahanyahay iyo inkale.Waxaan sidoo kale su’aal weeyn saarantahay xidhiidhka Rayaale iyo kuxigeenkiisa oo ka soo jeeda raaska M/Weeyne Cigaal(AHN).

Dhiska kiimiko ee xubnaha  UDUB,ayaa salka ku haya kulankii qabaa’ilka ee ka dhacay magaalada Boorama 1993. Duqowdii shirka ka qayb galay ayaa u xuub siibtaay xisbi, taasoo UDUB dhaxalsiisey in uu kaga tugtug roonaado axsaabta kale xaga qabyaalada. Waxaa isagana la hadal hayaa in ninka daaha gadaal ka taagan ee misanka culus uu yahay, Cabdi Xassan Buuni( waa ina timo Jiniile’). Haddaba, iyadoo xaraarada iyo xiisadaha doorashooyinku ay dayrtan soo socota xoogaysan doonaan ayaa la arki doonaa xisbiga UDUB iyo Rayaale sida ay markale iskaga gadaan shacabka reer SL.

Kulmiye waa xisbi awood ku leh golaha shacabka SL, waana xisbiga horjoogaha u ah axsaabta mucaaradka.Gudoomiyaha xisbigaan oo aha ninkii abuuray  waa Axmed(Ziilaanyo) waa siyaasi ; aqoonyahan iyo nin can ka ah Soomaalilaand. Doorashadii 2003, Kulmiye oo ay palatform-kiisii dad farabadani u codeeyeeyn ayaa la filayaa inuu wacdaro dhigo doorashada soo socota.

Xisbiga seddexaad siyaasada SL waa UCID, dhibco wanaagsan buu xisbgani ka soo hooyey doorashdii ugu dambeysay. Faafaahinta ku saabsan xisbigaan iyo kuwakaleba Markale ayaan idiin soo gudbindoonaa.

Mohamed Ahmed

Ottawa, Canada

Email: mahmed631@hotmail.com