September 1, 2007
Allah Hoogayeey Maxaan Sameeyaa, Yaa Kulmiya u gurmada?
Waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan waxa aan salaan gaar ah u dirayaa dhamaan tageerayaasha xisbiga Kulmiye. Hadaba waxa aan aad iyo aa uga xumahay kala daadsanaanta iyo buuqa ka dhex aloosan xisbiga aan ka tirsanahay ee Kulmiye, runtii anoo shaqsiyan aad u taageera xisbiga Kulmiye ayaanan fahmin waxa intaas leeg ee la isku haysto ee la isku cunaayo, hadaanu nahay dumarka taageera xisbiga kulmiye.
Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan raga isku haya loolanka siyaasdeed ee ay ugu jiraan in ay ku hantiyaan majaraha xisbiga in ay isu tanaasulaan, hadii kale sidii Cabdi Haybe ayuunbaydun gali doontaan xisbi kale, runtii waxa aan dareemi karaa dhibka Cabdi Haybe ka kaxeeyay xisbiga in ay tahay isaga oo arki waayay waxii uu doonaayay oo ah xisbi qurux badan oo aan is haysan.
Tii kuu timaadaaba ta kale ka sii daran anga oo shalay ka yaaban Cabdi Haybaa oo galay Udub, oo wasiir laga dhigay ayaa hadana waxa nagaga sii naxdin badan markaanu aragnay shir gudoonkii golaha wakiilada ee ka soo wada jeeday Kulmiye oo is haysta oo kala taageeraaya Siilaanyo iyo Axamed Xuseen Ciise, labdaas shir gudoon oo ah'’ Samaale iyo Baashe.
Hadaba waxa aan Samaale kula talin lahaa, waar walaaloow ka joog dabka aad ku dhacayso oo ha taageerin Siilaanyo, sidoo kalena walaalkay Baashe waxa aan odhan lahaa iskaga fogow Axmed Xuseen Ciise, oo labadiinu horta dhex ka noqda arimahan soconaaya, hadii kale waxa aad xabad xabad u gali doontaan UDUB, iyo UCID. Waxa aan kula talinlahayn odayga xisbiga in uu tanaasulo oo xilka ku wareejiyo dad aad u da’yar oo hawsha wadi kara waana in la helaa isbadal siyaasdeed oo xisbiga gudihiisaah, waxa aananu ka codsanaynaa in dumarka lagu soo daro in ay u tartamaan jagada gudoomayanimada, sidoo kale ergada shirka kulmiye ka qayb gali doonta waa in saami fiican laga siiyaa haweenka.
Anigu Shamso ahaan waxa aan qabaa in dhibka jira ee maanta aafeeyay xisbiga Kulmiye ay ka saari karaan garabka haweenka ee xisbigu isla markaasna labada garab ee hada kala hogaaminaaya xisbiga Kulmiye ay ka tanaasulaan taratnkooda oo ay soo galiyaan garab haweeka ah oo loo ogolaado in ay xilka xisbiga gacanta ku dhigaan, sidaasina waa sida qudhaata ee lagaga adkaan karo xisbiga UDUB, iyo xukumada Rayaale, lakiin marnba yaanu Siilaanyo ku fikirin in uu ka helaayo ragii markii hore hadhuublaha ku daray ee ha yaqiinsado in ay Rayaale iyo xukumadiisa iska caabin karaan wajiyo cusub oo ay ka midyihiin garabka haweenka, cidi ima maqlimayse Allah hoogayeey maxaan sameeyaa yaa Kulmiya u gurmada, oo odaygan iyo dhiigyacabyada ku hareeraysan naga furdaamiya oo umada ka kaxeeya si xisbiga iyo dalkuba u hagaago
Shamso Ahmed Cali Raabi
Hargaysa, Somaliland
Email: shamsaraabi@hotmail.com
Source: Qaran News








