August 31, 2007
Waxan Reer Awdal Kula Talin Lahaa in ay Kawada Qayb Qaataan Dhammaanba Xisbiyada ka Jira Dalka.
Waxa baryahan danbe kasoo cusboonaaday Gobolka Awdal ifafaalo siyaasadeed oo xoog leh, oo aan hore uga jiri jirin gobolka. Waxad moodaa in Gobolka Awdal uu sifiican ugu soo baraarugay dhinaca siyaasada oo muddooyinkii hore ay siyaasada gobolku ahayd mid qun yar socod ah, laakiin hadda reer Awdal waxay siyaasadii kala mid noqdeen, gobolada kale ee dalka Somaliland.
Waxa in laxuso mudan in beesha Maxamed Case(samaroon), ay cadeeyeen inay ku biireen xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye, taas oo xaqiiqdii ah in reer Awdal ay maanta u dhanyihiin, ayna diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan tartanka axsaabta dimuqraadiga tirada badan ee dalka ka jirta. Waxanan anigu shakhsi ahaan u arkaa in talaabadaasi tahay mid wanaagsan oo ay reer awdal ku dhaqaaqeen.
Waxan reer Awdal kula talin lahaa in ay ka wada qayb qaataan dhammaanba xisbiyada ka jira dalka, oo ayna meel qudha ku ururin. Maanta dalka waxaa ka jira axsaab qaran oo u furan cidkasta oo reer Somaliland ah. Waxana fiican in axsaabta lagu kala biiro oo aan midna qabiil lagu taageerin, balse loo eego midkasta barnaamijka uu ku socdo ee uu u dajiyay dalka iyo dadka.
Xisbiyadu way tartamaan, mid uun baana ku guulaysta, xisbiga tartamayaana iskama tartamo uun ee wuxuu u tartamayaa ujeedo oo mid waliba xisbiga kale uu ku leeyahay anaa kaaga fiican guri dhiska. Markaa xisbigii lagaga badiyo talada dalku wuxuu eegayaa sida kan ku guulaystay uu gurigii udhisayo, markuu arko inay meel wax si kayihiina, wuxuu ku odhanayaa, gurigu halkaasuu ka qaloocaa ee toosi, sidaasayna kuwada sheqeeyaan xisbiga talada haya iyo kuwan helidooniba.
Ilaahay tubta toosan ha ina waafajiyo
Axmed Cumar Miicaad
Sanca-yemen
Email: Somaliland55@hotmail.com








