August 26, 2007

Fariinta Akhristaha: Golaha deegaanka boorama idiin maanaan dooran inaad kuraasta isku qabsataan.

Waxa jirta in marwalba dad ay isku qabsadaan jagooyin,taasoo uu mid walba haysto warqad sharci ah oo ka soo baxday dawlada hoose.waxa sii badanaya muranada dhulka oon marna aan naaqusmaynin.waxa gobolka awdal hadhaysay dhibaato laxaad leh oo ku sahabsan muranada dhulka la isku haystoo oo siibadanaya.

Haddaba waxan ku leeyahay golaha deegaanka boorama idiin maanaan dooran inaad kuraasta isku qabsataan,idiin maanaan dooran inaad dantiina aad ka hormarisaan danta guud,ee waxaan idiin dooranay inaad wax noo qabataan,waxaan idiin dooranay inaad sharciga ilaalisaan,waxaan idiin dooranay inaad ummada kala bad-baadisaan.

Waxan golaha deegaanka kula talinayaa inay sidan wax ka badalaan,in cadaalad ay ku sheqeeyaan.in si hufan oo waanaagsan ay usoo af jaraan khilaafaadka dhulka ka taagan hadday noqoto mid dad gaar ahi leeyihiin iyo haddii ay noqoto mid hanti guud ah.

Dadwaynaha reer awdal oo lagu yaqaano dad nabad iyo cadaalad jeclna waxan kula talin lahaa inay dawlada isku garab taagaan waxkasta oo dan u ah dadka,ayna ka fogaadaan dhulka hantida guud ee ay dawladu leedahay.

Ilaahay ha ina waafajiyo tubta toosan.

Axmed Cumar Miicaad

Sanca - Yemen

Email: Somaliland55@hotmail.com