August 25, 2007
Madaxweynaha iyo Weftigiisa, Waxa u sii Socda Kulamadii ay ku Lahaayeen, Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa
Hargeysa(Harawo)- Weftigii u hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa Xalay kulan ku dhexmaray Ra’Iisal Wasaaradaha Dawlada Ethiopia Males Zenawi, kaas oo ka dhacay Xafiiska Ra’isal Wasaaraha.Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha Gaarka ee Madaxweynaha Mr.Axmed Maxamed Ciise, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Harawo.com ee Magaalada Hargeysa. Isaga oo dhameystirana Waxa uu u dhignaa sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho rasmiya ku jooga Caasimadda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, ayaa waxa uu 06:30 fiidnimo ee caawa kullan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane Males Zenawi, kullankaasi oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia. Waxa Madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal Wasaare Males Zenawi ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, xidhiidhka saaxiibtinimo, ka ganacsi iyo arrimaha Siyaasadda ee ka dhaxeeya labada waddan ee jaarka ah, iyo sidii xidhiidhkaa loo sii xoojin lahaa.
Kullankaasi oo qaatey muddo laba saacadood ah, waxa ku weheliyey Madaxweynaha JSL, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale dhinaca kalena Waxa Ra’iisal Wasaaraha ku wehelinayey kullankaasi, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto Tekede Alemu.
Waxa weftiga Madaxweynaha Maanta Qado Sharaf ugu sameeyay Huteelka uu deggan yahay ee Sheraton, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Ethiopia, Mudane, Tekeda Alemu. Madaxweynaha iyo Weftigiisa, waxa u sii socda kulamadii ay ku lahaayeen, Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Debedda, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo safar Shaqo ugu maqnaa Dalka Kenya, muddo Afar Maalmood ah, oo xalay ku soo biiray Weftiga Madaxweynaha JSL, ayaa intuu uu halkaasi ku sugnaa waxa uu la kulmay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Debedda ee Dalka Kenya, Mudane, Moses Watangula iyo hawl-wadeeno ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda, labada dhinac waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo qaddiyadda Somaliland, iyada oo Dalka Kenya waqtigan ay tahay Guddoonka
Urur Goboleedka IGAD. Wasiirku Waxa uu uga waramay Mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahan mandaqadda.
Waxa kale oo Wasiirku la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi. Amb. Michael Ranneberger iyo hawlwadeeno ka socday khaarajiyadda Maraykanka. Waxa labada dhinac ka wadahadleen iskaashiga labada dal dhinacyada, Siyaasadda, Iskaashiga Arrimaha la xidhiidha Horumarka, Nabadgelyada, Horumarinta Dimuqraadiyadda.
Waxa kale oo Wasiirku la kulmay Wakiilka Xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland / Somalia, Amb. Francois fall, iyadoo labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, Nabadgelyada iyo Horumarka Siyaasadda Dhaqan Dhaqaale.
Wadahadaladaas oo dhami waxay ku soo af-jarmeen is af-garad buuxa. Wasiirka Waxa ku weheliyey kulamadaasi Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Mudane, Maxamed Axmed Nuur ( Indho-buur).
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Harawo.com/Hargeysa
Email: Darala185@hotmail.com








