August 22, 2007

Imaaraadka oo Dadka bilaasharciga Wadankiisa ku jooga Sadex bilood u qabtay in ay kaga baxaan

Hashim Goth, Harowo.com = Dubai 22 Aug. Dawlada Imaraadka Carabta (UAE) ayaa soo saaray digniin ay ugu sheegayso dadka ku jooga wadankooda bilaa sharciga in ay kaga baxaan 3 Bilood gudohood.

Mudada ay u qabteen ayaa waxay ku eg tahay 2 Sep. 07. Sida ay ii xaqiijiyeen dad la socday ogaysiiskan ayaa waxay ii sheegeen in qofka laga helo gurigiisa qof bilaa sharci ah in uu mudan doono ganaax iyo in laga saaro wadanka.

Hadaba waxa jiray dad badan oo Soomaali ah oo ku joogay wadanka bilaa sharci, isla markaana ka shaqaysan jiray,  Soomaalida bilaa sharciga ku joogtay ayaa dhawaanahanba ka baxayay Dubai. Waxay inta badan ka goosanayeen tikidho ay ugu dhoofaan wadankii shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida, Sida sharciga Imaaraadku dhigayo qofka uu ka dhamaado visaha ama dalku joogista wadanka ayaa laga qaadaa maalintii ganaax dhan boqol dirham oo u dhiganta 27 Dolar.

Markii ay digniintani soo baxday ayaa loo sheegay in uu qofku soo goosto tikidh isla markaana yimaado xarumaha Booliska, si loogu gooyo GO HOME.

lamana waydiinayo mudada uu joogay iyo wax ganaax ah, Dad badan oo ka kala yimid wadamo badan ayaa iyaguna u qulqulaya dalalkii ay ka yimaadeen, dadkaasi waxay u badan yihiin wadama Eeshiya. mudada ka hadhay oo gaaban darteed ayay dadku aad uga baxayaan madarada Dalka.

Hashim Goth
Harowo.com, Dubai
Email:
hashimgoth@hotmail.com