August 20, 2007

Warbixin: Ololaha Cashuur Ururinta ee W/Maaliyadda Somaliland Ma Yahay Mid Ncayb u soo Jiidi Kara Xukuumada M/weyne Rayaale.

Boorama, (Harowo.com) Aug. 19. 3007 - Dadka aan ugu tegnay meesha kaantaroolka Hargeysa ee hortayo lagu haystay ayaa u badnaa darawaliinta gaadika xamuulka iyo kuwa khusuusiga iyo dad raakaab ah oo baabuurtii ay la socdeen meesha lagu qabsaday kuwaasoo ka kala yimi meelo fogfog iyo meelaha kale oo u dhawdhaw Hargeysa.

Muran badan oo meesha ka taagnaa oo ay isweydaarsanayeen darwaliinta, ciidanka dawladda meesha ka joogay iyo rakaabka qaarkii ayaa laga dareemayey in marxaladda dalku marayo  shicibkiisa laga garan karo .

Nin  magacuiisa la yidhaahdo Cabdi Liibaan, oo dareenkiisa ku saabsan ololaha cashuuraha ayaa ii sheegay maanta iyo shalayba halkanbaa nalagu haystaa, waxan ka imi Oodweyne oo an gaadhigaa isaga oo farta ku fiiqaya gaadhi "waaraad ahayaan badeecad ku geeyey sii socodkii hargeysa,  sharcigayga ayaa la i weydiiyey, waanan tusay waxba la ima odhan ee waan socday, shalay markii an soo galay ayaa la yidhi gaadhiga dhig oo ninkii lahaa keen. liisankaygii waakan, buuggii gaadhigu waa kan, ma caqlibaa in ninkii lahaa keen lagu yidhaa, xaggee lagu arkay darawal mushaar ku qaata gaadhiga uu wado oo la yidhi iska dhig adigu ma lihide, waa yaan la shaqaysan".

Nin kale oo isna taagnaa gaadhi Surf ah oo duugoobay, magaciisana iigu sheegay Siike ayaa yidhi "waxan ka nimi dhul an dawlad lahayn oo la yidhaa waa Soomaaliland, waraqo gaadhi iyo dekumenti meel lagu bixinayo ma aragno, meel taraafig iyo cashuuro lagu qaado maanaan arag, waa maxay dawladdan Hargeysa uun fadhidaa. Waxan reer dhan ugu shaqeeyaa gaadhigaa oo an hawdka ilaa Burco kaga shaqeeyaa, maantana waa taa rag iska haysto ee la leehaya shan sannadood cashuurteed bixi. Tani waxay ka xuntahay wixii laga dagaalamay ee Agfweyne lagu riday".

Haweenay la yidhaa Koos cabdi ayaa iyaduna ii sheegtay "Waxan xabsiga Madheera ugu tegey wiil an walaalo nahay oo an wax u geeyey, saaka markaan halkan marayna cid nala hadashay ma jirto oo nin keliya ayaa joogay meeshaba, imika (12kii duhurnimo ) markaan nimi ayaa gaadhigaa la dhigay meesha. Mooyi wax lagu haysto annagu rakaab ayaan ahayn, waanagaa wax naga qaada la, wax an yeello garan maynno ".

NIn kale oo dhallinyaro ah oo naanaystiisa iigu sheegay Biitii ayaa isna yidhi "waxan waday oday ii adeer ah oo aan is lahaa isbitaalka Hargeysa gee, gaadhiga anaa u waday liisankaygii waa kaa, buuggii gaadhiguna waa kaa, meshan wax kale ayaa ku jira oo la doonayaa inay dhacaan. Xalaybaan u hoyannay meeshan lacag baad ah ayaa nalaga doonayaa oo aanaan hayn, odaygiina waa ka halkaa jiifa (isagoo farta iigu fiiqay cooshad yar oo ka agdhaweyd kaantaroolka) meel nalagu celiyey ma jirto oo an meeshan ahayn".

Sidoo kale gabadh magaceeda iigu sheegtay Idil ayaa tidhi "goor hore oo saaka ah ayaa meeshan nalagu yidhi dhiga gaadhiga haddaydaan haysan sharci, waxan ka imi debedda walaashay oo Hargeysa ku aqalgeleysa ayaan u socday, Markaan nimi ayuunbaa sidii an nahay dad ajnebi ah nalagu yidhi sharci keena cashuur keena, buug keena iyo waxyaalo kaleba, inankii darawalkii wuuu cadhooday oo maagaaladii ayuu u doontay gaadhi kale oo uu igu qaado. waxani waa wax ku cusub dalka, waayo sannadkii hore ma jirin waxani, waa budhcad ee wallaahi hadaan ………".

Hadaladaasi iyo kuwa kale oo kasii naxdin badaniba waxay kasoo baxayeen shicibka iyo darawaliinta gaadiidka lagu haystay kaantaroolka Hargeysa. Markaan dib u gusoo noqonno A/Awdal oo la gasoo bilaabay ololahan lacag urursiga ah ee Axmed Daauud, waxa weli jira raadad uu kaga tegey oo weli laga bixi laayahay dhibtoodii.
 
Dr.Cabdi Maxamed Gees, kana mid ah dhakhaatirka Boorama ayaa dareenkiisa ka muujiyey raadadka xun ee nidaamkan cashuuruhu geyeysiinayo xukuumadda, wuxuuna isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi "waxan tegey Hargeysa, dhexda markaan marayo ayaa la igu yidhi keen lacag cashuur ah oo la yidhaa jidmar (Road tax), 80,000 (sideetankun) S/L ayaa la iga qaaday. Waa wax laga naxo iskuna kay qaban waayey jidka an marayo iyo dhibta gaadhiga haysta, sida shilinkaa la iga qaadayo iyo sidaan jidkaa hagaajintiisa loogu quudhayn iyo damiirxumada dakaka Khamiis walba Hargeysa ka imanaya ee Boorama imanaya ee aan dareen damqasho aan lagu ogeyn.

Dr. Cabdi oo sii faafaahina ololahan ururinta cashuuraha iyo dhibta dadka ka haysata ayaa yidhi "Gaadhigii cusbaa durba waa tuuris. Waxa kasiia daran mooryaantan uu Lawyacaddo kaga yimi Ina Daauud. Waxan la yaabay siday waxba uga socon laayihiin in gaadhi yar oo Jabuuti laga soo dejiyey cashuurtiisiina Lawyacaddo lagu bixiyey aan ilaa maanta loo samayn Lambar, dalkiina loogu diidayo inuu ku dhex socdo. Kaaga darane markaad akhrido waraaqaha lacagta lagu qaatay farta ku taalla foolxumadeeda ma akhriyi karaysid iyo qofka qoray jaahilnimadiisa. waa nasiibdarro ku dhacday dalkan iyo dadkan iyo siiba gobolkan dekeddisa Lawcaddo. gaadhigaasina weli waa la haystaa isagoo lacagtiisii la bixiyey yaan ku dacwoonnaa yaanse ka dacwoonnaa" ayuu ku soo gabagabeeyey Dr. Cabdi canaantiisii

Maxamed Cumar, (Hyena)
Harowo.com, Boorama, SL
Email:
moshimu@hotmail.com