August 15, 2007

Duqa Boorama oo ka Gudoomay Maabka Magaalada Boorama Prof. Ibraahim Aye oo ka Socota Jaaliyada Awdal ee W/Ameerika

Hashin Goth, Harowo.com = Boorama, 14 Aug. - Duqa magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa maanta ka gudoomay maabka magaalada Boorama oo satalite ah, Xubin ka tirsan Jaaliyada W/Ameerika oo la yidhaa Prof.Ibraahim X.muxumed Aye (Jimy).

Maabka magaalada Boorama ayaa ahaa mid casri oo lagu qaaday Satalite, isla markaana si fiican u muujinaya dhismaha iyo dariiqyada magaalada,  Prof.  Ibraahim ayaa sheegay in qaabaynta iyo helidiisa uu lahaa Maxamed Uurdoox, Aniguna ayuu yidhi Prof.Ibraahim waxaan ku dadaalay sidii uu u soo gaadhi lahaa ilaa gacanta gudoomiyaha golaha deegaanka ee Boorama, wuxuu intaas ku daray in maabkani ama khariiradan muujinaysa qayba magaalada Boorama ka caawinayso maamulka iyo madaxda D/hoose sidii ay dhulka iyo qaabka magaalada ula socon lahaayeen.

Prof. Aye wuxuu hadalka kooban kaga baxay in looga faaiidaysan karo maabka Naqshadaynta magaalada iyo Dariiqyada muhiimka ah, isla mar ahaantaana dhinac walba oo Adeegyada bulshada wax looga qabanayo loo isticmaali karo.

Duqa Magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa uga mahadceshay Prof. Aye iyo Maxamed Uurdooxba, dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna intaas ku daray in ay hayeen mid intan ka yar oo hayadi u samaysay, balse kani kaga fiican yahay in meel walba si sax ah loo fahmayo, Jaaliyada Dibada joogta ee reer Awdal ama Booramana waxaan uga mahadcelinayaa dadaalada ay ku hawlahan yihiin beryahan dambe, Sida Abaabulka samaynta Garoomada, Jidadka IWM ah.

                                                 Prof. Ibraahim Aye oo Gudoonsiinaya Mayaarka Magaalada Boorama Cabdi Shide Bile Mapka Sataliteka ee Boorama

                                            Mapka Magaalada Boorama Marka laga Soo Eego Cirka Sare

                                                  Prof. Aye oo ka Socda Jaaliyada Reer Awdal ee Waqooyiga America

Hashim Goth
Harowo.com, Boorama, SL
Email:
hashimgoth@hotmail.com