August 8, 2007

Roob Xoogle oo ka da’ay Boorama Galabta

Hashim Goth, Harowo.com = 07 Aug - Roob xoogle oo socday cabaar hal saac ayaa galabta ka da’ay magaalada Boorama, roobkan oo aad u xoogbadnaa ayaan u geysan magaalada wax khasaare balse si aad ah dadku uga yaabeen markii uu qaadi waayay mudo hal saac ah, Bishan Augos ayaa waxa batay roobabka oo si aad ah uga da’ayay guud ahaan G/Awdal.

Roobkan iyo kuwa la midka ah ayaan si fiican looga faaiidaysan, taas oo keenta in biyaha roobabkan ka rogmadaa ay bada toos ugu shubnaa, dhan kala waxay khasaare u geystaan deegaanada ay ka da’aan khasaarahaas oo ah mid ku keena dhulka nabaadguur iyo caro guur, meelaha qaarkood ayaa waxa ka samaysma jeexjeexyo iyo boholo ay keenaan daadadka ka rogmada roobabkaas.

Waxa jira iyagna Biyo xidheeno tiro yar iyo Barkado ay sameeyaan hayadaha samafalka iyo Bisha Cas, oo biyahaas qabta isla markaana dadka iyo xoolaha miyigu ka cabaan.

Hashim Goth
harowo.com, Boorama, SL.
Email:
hashimgoth@hotmail.com