August 8, 2007

Hargeisa Group Hospital oo ay fulisay Bisha Cas ee Dalka Kuwait.

Maanta oo ay taariikhdu  tahay 07/08/2007 ayaa rasmiyan qololkii qalliinka ee dhakhtarka Hargeisa, uu madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane  Ahmed YuusufYassin uu furay. Munaasabadaa waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin tiro badan. Masuuliyiintaa iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay waxa ay xuseen waxtarka qalabeynta qololkani ka qaadan doonaan adeega guud ee caafimaadka dalka.Waxana mahad naq loo soo jeediyay dadkii ka soo shaqeeyay in ay hawshani hirgasho gaar ahaan Jaaliyadda Somaliland ee deggan wadanka Kuwait.


Taa oo ay sobobteeda lahaayeen Jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwait.

Ku dhowaad muddo seddex sanadood ah ayaa Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kuwait waxa ay ku hawlanaayeen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen hor-u-marka dalka hooyo gaar ahaan qalabeynta "theater" ama qolka qalliinka ee dhakhtarka weyn ee Hargeisa Group hospital ee caasimadda JSL. Hawshaan oo Jaaliyaddu aanay u kala hadhin ayaa ugu dambeyntii IIlaahay mahadi ha ka gaadhee lagu guuleystay oo laga midho dhaliyay.

Jaaliyadda Reer Somaliland ee Kuwait  hawshaas markii ay ku guda-jireen waxa marar badan la soo gudboonaatay caqabaddo iyo niyad jab kol walba ku yimaada oo mararka qaarkood ka dhigayey in ay faraha la galeen hawl ay mustaxiil tahay in ay qabsoontbaa.Waxa intaa dheer iyada oo xubnaha Jaaliyadaasu ay yihiin xoogsato ku foofa shaqooyin oo haleelkoodu uu aad u xaddidan yahay.

Nasiib wanaag arrimahaas oo dhan waxa ka xoog batay oo daadka qaadsiiyay niyadda wadaninimada iyo hamuunta ay Jaaliyadaasu u qabto in ay dadkooda iyo dalkooda wax ku taraan. Arrintaasu waxa ay Jaaliyadda Reer Kuwait ugu suuro gashay waa isku duubnida iyo wada tashiga joogtada ah ee ay wada leeyihiin.Talo wadaag iyo is-abaabul ay had iyo jeer sameeyaan ayaa suuro galiyay in ay u jillib dhigaan oo ka talaabsadaan duruufo iyo turaanturooyin  kolkii hore u eekaa in aanay ka gudbi karrin.

Maaha tanu waxtarkii ugu horeeyaya ee Jaaliyadda JSL ee Reer Kuwait ugu deeqeen dalkooda hooyo. Kal hore wadanka waxa ay gaadhsiiyeen daawooyin farabadan oo misaankeedu ahaa 2.5ton.Waxa kale oo ka horeysay sidii ay uga qeyb qaateen taakuleyntii dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay abaarihii aafeeyey qaar ka mid ah gobolada dalka.

Waxa Jaaliyadaasu iyana ay xuseen masuuliyiinta caafimaadka ee wadanka oo iyaguna hawsha intii ku hagaagtay dhinacooda ka soo baxay oo runtii tacaawunkoodu uu wax badan ka taray suurta-galka hawshan.Waxa lama ilaawaan ah hawshii ay qabteen Mudane Maxamed Xuseen Caabi - Gudoomiyaha Guddida Caafimaadka ee Gobolka Hargeisa, Mudane Axmed Cabdi Bakaal - Deputy Co-ordinatorka Bisha Cas ee JSL Dr Yaasiin Carrab Cabdi. Mamulaha Dhakhtarka Hargeisa ( Group Hospital ).

Waxa isaguna mudan Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan oo la bar bar taagnaa dhiri gallin iyo guubaabinba.Waxa Jaaliyaddu iyana mahadnaq iyo maamuus u soo jeedinaysaa Mudane Cabdulkadir Xaashi Cilmi oo isaguna aan la ilaawi karrin qeybta uu ka qaatay hawsha. Haddii ay isku xidhka Jaaliyadda iyo masuuliyiinta dhakhtarka tahay iyo haddii ay tilmaan iyo talooyin tahayba.

Gunaanad:

Hawshaa laga hirgaliyay dhakhtarka Hargeisa waa tusaale in hawshii kheyr qabta ee loo hagar baxo uu Ilaahay kugu garrab galayo.

Waa hawl ku dayosho leh oo loo baahanyahay qurbojooga Somaliland in ay ku daydaan walaalahooda Reer Somaliland sidaa ay yeeleen. Waa hawshan iyo kuwa la midka ah kuwa ay kheyrku ku jiro if iyo aakhiraba.

Ma darraad bay aheyd tii la hirgaliyay in diyaaraduhu kolkii ugu horeysay taariikhda Somaliland ee ay madaarka Hargeisa ka duuli karaan habeenimo.

Ma shalaybay aheyd Cammuud oo kolkii ugu horeysay taariikhda Somaliland dhakhtarro ay ka qallin jabiyaan.

Maantana ma la arkayaa kolkii ugu horeysay taariikhda Somaliland dhameeystirka qalabeynta 5 qol oo qalliinka ah dhakhtarka Caasimadda Hargaysa JSL.

Allahayow noo barakee oo barrina  noo hirgali qaar kale oo  ka sii kheyr badan.

AAMIIN!!
 

Somaliland Welfare Society Kuwait

Email: somalilandkwt@yahoo.com