July 30, 2007

Xoghayaha Xisbiga UDUB ee G/Awdal oo si Kulul U Cambaareeyey Wakiilada Asxaabta Mucaaridka ee Gobolka

Boorama, (Harowo.com) July 29, 2007 - Masuul sare oo ka tirsan hoggaanka xisbiga UDUB ee G/Awdal ayaa si kulul u cabaareeyey hadallo dhawaan ka soo yeedhay wakiilada axsaabta Mucaaradka ee gobolka Awdal, kuwaas oo sheegay in maamulka sare ee dawladdu uu gobolkan ka wado shirbeeleedyo aan loo baahnayn, isla markaana ay meel iska dhigtay axsaabtii siyaasadda taas oo bay yidhaahdeen kala fogeyn karta  shicibka gobolka.

Qoraalka warkaasi oo ku soo baxay wargeyska Shabakada wararka ee Harowo.com iyo wargeyska Haatuf bishan 27keedii. Xoghayaha Xisbiga UDUB ee gobolkan Awdal, Axmed Muumin Seed, oo aan ka waraystay hadalada wikiilada mucaaeadka, ayaa ii sheegay inay Wakiilada labada xisbi ee Mucaaradka ahi meel kaga dhaceen arimaha dhaqanka ee beeluhu dhexdooda kaga arrinsanayaan danahooda gaarka ah.
 
Xoghayaha Xisbiga UDUB wuxuu si gaar ah u cambaareeyey wakiilka Xisbiga UCID ee G/Awdal, ninkaas oo loo yaqaanno "Shiine Dheere", wuxuuna xoghayaha xisbiga UDUB ku bilaabay hadalkiisii
"Waxan aad uga xumahay in wakiilka xisbiga UCID ee gobolkan Awdal, oo la yidhaa "Shiine Dheere"  uu ka hadlay arrimo cawaaqibkoodu isaga dib ugusoo noqonayaan. Soomaalida ayaa tidhaa Booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheereyn, kudhici doontaana mooyee."

Shiine Dheere, ayaa isagu ku andicooday "in dadka gobolkan degan dib loogu celiyey shirbeeleedyo lagasoo Gudbay, axsabtii qarankana la iska daayey."

Axmed Nuumin oo hadalkiisii sii wada ayaa yidhi "Haddii aan dib ugu noqqdo ficilada aad kula dhex jirto beelaha samarroon, waxaad isku dayday inaad ardaayada beelahah Maxamed Case iyo Habar cafaan isku darto si aad uga horkeento beesha kale ee samarroon, adigoo ujedadaadu ahayd in kursiga Madaxweyne kuxigeenka aad ku tartantaan, waana lagaa diiday maadaama madaxweyne Rayaale yahay nin kasoo jeeda Gobolkan. Tan kale waxad ahayd ninkii qabanqaabinayey Suldaanka Beesha Habar Cafaan caleemo saarkiisa, adigoo ah wakiilka xisbiga Mucaaradka ee UCID, maxaa lagaaga horjoogsan waayey?"

Axmed Muunin ayaa intaa raaciyey "Waxa kale ood isku dayday in Beesha Habar Cafaan ku sawirto Xisbiga aad  wakiilka u tahay ee UCID, isl markaana Suldaanka Beewsha Habar Cafaan loo arko nin ka tirsan xisbigaaga, adigoo waliba qabanqaabadii shirkii lagu dooranayey Suldaanka Beesha ku sheegay inuu ahaa shir siyaasadeed, adigoo dhinaca kalena Masuuliyiinta beesha uga wakiil ah xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee uu ka mid yahay Cabdi Xasan Buuni aan siinin wax qaddarin ah."

Waxuu axmed muumin hadalkiisii ku soo gabogabeeyey "haddaba aniga oon soo koobayn ficilada khaldan ee aad beelaha samarroon, Dawladda iyo Beesha Habar Cafaan kula warwareegayso ayaan ku xusuusinayaa in beelaha samarroon iskood u shiri karaan, danahoodana kaga tashan karaan  shirbeeleedyada aad foodsaaraha siyaasadeed ka dhiganayso."
 
"Wakiilka Xisbiga KULMIYE ee G/awdal, Aadan Xaaji Muxmed, waxan isaga leehay abti iima quruxbadna inaan ku siiyo jawaab la mid tan aan "Shiine Dheere" oo an isku beel nahay ka siiyey hadalkii dhawaanta aad wadajirka u bixiseen"

Maxamed Cumar, (Hyena)
Harowo.com, Boorama, SL
Email:
moshimu@hotmail.com