July 26, 2007

Faallo: Fakhriga iyo Talo Xumada Hadheeyey Asxaabta Qaranka ee Somaliland Ma Keeni kartaa Burbur Kaga Yimaada Xaga Siyaasada.

Tan iyo markii la aasaasay Soomaaliland 16 sannadood ka hor, waxa hadba soo marayey waayo kala duwan, duruufo khatargelin karayey, xaalado dagaal, kuwa nabadgelyo doon, kuwa barwaaqo iyo kuwa bisaaradi ka muuqatoba. Marxaladahaas iyo druufaha adag ee soo maray Somaliland waxa inta badan lagag soo gudbay waayo araga iyo bisayl dhica siyaasada ah oo ay muujiyeen dadweynaha ku dhaqan Somaliland. Taas oo keentay inay maanta somaliland qarqarka u saarantahay in la aqoonsado oo ay ka mid noqoto dawladaha xorta ah ee aduunka ka jira.

Waxaynu wada ognahay in Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal (Madax weynihii hore ee Somaliland) laga dhaxlay xukuumadda maanta dalka ka jirta oo iyadu fulisay qorshihii uu ugu talo galay in lagu hanto dimoqraadiyada maanta ka hano qaaday Somaliland. Waxa si habsami uga qabsoomay wadanka doorashooyinkii Golayaasha Degaanka, tartankii loo galay madaxweynaha iyo doorashadii Golaha Baarlamaanka. Taasina waxay suurto galisay in siyaasadii wadanku ay furfuranto, iyada oo waliba asxaabta mucaaradku door weyn ay ka qaateen golayaasha sharci dajinta ee Somaliland. 

Hadaba habsamida iyo dhib la’aanta isbedelkaas oo dhami ku dhacay ayaa waxay noqotay in aduunyadu fiiro gaar ah u yeelato, iyada oo la wada ogyahay wadanada deriska la ah Somaliland ayna wali gaadhin heerka Somaliland ismaamulka ku salaysan habka dimoqraadiga ah.

Guud ahaan xubnahah dawladda, golayaasha qaranka iyo kuwa degaanaduba markii ay soo baxayeen waxan huwanaayeen shaadhka axsaabta siyaasadeed ee tartanta u gashay doorashooyinkii wadanka ka dhacay, dadka reer Somalilandna  waxay u qaateen in hada ka dib axsaab wax lagu soo dooran doono si looga baxo nidaamka ku salaysan qabiilka ee in mudo ah lagu soo mooday.

Waxaa Nasiib darro ah in sidii la moodayey wax badani iska bedeleen, waxaa markiiba iska cadaatay inayna axsaabta wadanka ka samaysanatay ay noqdeen kuwo aad u liito oo aanan ku shaqayn kareen nidaamka casriga ah ee ay u shaqeeyaan wadanada horey u maray, taasina waxay keentay in qabiilkii

Waxaa dhacday in rag badan oo ku soo baxay asxaabata kala duwani iska noqdeen qaar u adeega dano gaar ah oo ka gedisan danta guur ee qaranka. 3 xisbi qarameed ee soo hadhay ayaa iyaguna noqday kuwo afkaar ama (Ideology) ku kala gedisnayn, iyada oo qaarkood ay kaadi ayaan u soo cabnay mooye aanay hindiso kale haynin. Mudanayaal ku soo baxay xisbiga muxaafidka ah ayaa hal mar isku rogay mucaarid, halka kuwo mucaarad ahaana muxaafid isku rogeen. Maanta waxa qof walba u cadaatay in asxaabta wadanka ka jirtaa yhiin qolfoof madhan oo aan micno badan ku fadhiyin, ha u sii liiteen asxaabta mucaaradkuye.

Xafiisyadii ay asxaabtu ka furteen gobolada ayaa maanta haawanaya oo aan cidi joogin, calankii axsaabta qaranka u ahaa astaamaha ayaa isaguna dabaylaha raacay oo googo’ay markii la beddeli waayey, shaqaalihii xafiisyada asxaabta ee wakhtigii doorashooyinka joogay ayaa mid waliba uu meherado kale raadsaday.

Maanta oo ay mar kale soo dhawaadeen doorashooyinkii madaxweynaha ayaa waxa magaalooyinka gobolkan ka muuqan  magaca Xisbiga UDUB, kaas oo madaxweyna Rayaale u horseeday inuu ku guulaysto xukunka Somaliland. Waxa muuqata in Dadkii ka tirsanaa xisbiga UDUB ee isugu jiray siyaasiyiin, musharraxiin iyo shaqaale kaleba aan lagu arkin goobihii wakhtigii doorashooyinka  ay ka olelaynayeen, taas oo laga yaabo inay hoos u dhigto taageeradii xisbiga ee daweynaha gobolka Awdal.

Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gobolkan Awdal ayaan lahayn wax saldhigyo ah oo taageerayaashoodu ku soo hiran karaan, kamana muuqato wax dhaqaale ah oo ay ku geli karaan  loollanka siyaasadeed ee ku soo foolleh. Masuuliyiintii xisbiyadaasi ayaan lagu arag suuqyada, iyaga oo qaarkood aanay iskuba haysan inay yihiin masuuliyiin matalaysa axsaab qaranka.

Marka ay noqoto olole siyaasaded marka waxa Boorama ka dhaqdhaqaaqi karaa waa masuuliyiinta xisbiga UDUB, balse masuuliyiinta xisbigaasi ayaan wax xidhiidh ah la lahayn warbaahinta, sababtoo ah iskama bixin karaan kirada wargeysyada ama telefishanada ay la hadlayaan ee u gudbinaya farrimahooda, waxaanad moodaa in dhaqaale darada haysta axsaabta mucaaradka qaarkood ay sugayaan uun fursad ay xisbiga talada haya ugu gurguuran karaan.

Waxaana jirta in masuuliyiinta asaxaabta ka jirta magaalada Boorama la socon dhaqdhaqaaqyada iyo dabaylaha siyaasadeed ee ruxaya magaalada Hargeysa oo noqotay xaruntii siyaasada ee wadanka Somaliland. Taasina waxay dhib u dhac weyn u keentay horumarkale dhinaca siyaasada ee dadweynaha ku dhaqan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Somaliland maanta ku soo badanaya fadhiyada iyo kulamada beelaha, iyaga oo falanqaynaya kana baadhaandegaya si beel walba u kasban lahayd saami fiican oo u qalma. Hirdankan qabiiladu waxad moodaa in sii hakinayo magaca Axsaabta aan ku faanaynno ee aan leenahay Somaliland waa dal dimuqraadi ah. Guud ahaan waxad moodaa in gobolkan Awdal ay axsaabta mucaaradku aad uga walwalsan yihiin, hoosna ay u dhacday isku hallaynta dhinaca siyaasadda ee siyaasiinta mucaaradku. Hadii aanay axaabta qaranku sidan isku dhaamin inta ka hadhay doorashoonka ku soo foole, waxa dhici karta dimoqraadiyada maanta Somaaliland ku faanta inay ka hoos bado, sida ku dhacday wadanada kale ee qaarada Africa.

Maxamed Cumar, (Hyena)

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: moshimu@hotmail.com