July 8, 2007

Guri Ku Shuf Beelay Dab Qabadsaday Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Harowo.com) July 7, 2007- Guri seddex qol ka kooban oo ku yaalla xaafadda Axmed Dhagax ee caasimadda hargeysa isla markaana  ay degenayeen Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay ayaa ku shuf beelay dab qabsaday abaaro 2:00 duhurnimo ee maanta.

markii uu dabku qabsaday gurigaasi ayaa waxaa usoo gurmaday dadkii deriska la ahaa gurigaasi uu dabku qabsaday ka bad baadiyey shanta caruur ah oo da’doodu u dhexaysay 2 sanno jir ilaa 13 sanno jir..

Hooyo Faadumo Cali Xirsi oo ahayd hooyada dhashay caruurtani ayaa u sheegtay shabakadda Harowo in wakhtiga uu dabku qabsaday gurigeeda ay markaasi caruurteeda uga soo adeegaysay dibadda, waxaanay sheegtay Hooyo Faadumo in dabkani uu sababay kabriid ay caruurteedu shideen, kaasi oo qabsaday guriga.

Dhammaanba allaabtii dhex taallay gurigaasi ayaa ku gubatay iyadoo hooyadii iyo shantii caruur ahaa ee ay dhashayna ay ku sugnaayeen iyagoo aradan dibadda, hooyo Faadumo ayaa noo sheegtay in daminta guriga iyo bad baadinta caruurteeda ay ugu soo gurmadeen dadka la dariska oo ku bakhtiyey guriga biyo, waxaanay sheegtay inaanay rugaha booliiska ee xaafadda Axmed Dhagax usoo dirin wax gurmad ah.

Guud ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay ku noolyahiin dad lagu qiyaaso hal malyan oo qof ayaan lahayn wax dab damis ah, waxaa sidani oo kale sannadkani aynu ku jiro iyo sannadkii hore dab u qabsaday guryo kala duwan oo ku yaalla xaafadaha magaalada Hargeysa kuwaasi oo dadku ay u gurmadeen, dadweynaha caasimadda ayaa eedda dusha waxay uga saaraan maamulka Dawladda Hoose ee caasimadda oo ay ku tilmaamaan inay ka gaabiyeen sidii ay caasimaddu u heli lahayd dab damisyo maadma dadweynahu ay ku soo badanayaan.

Muddo hadda lix bilood laga joogo ayaa guri ku yaalla isla xaafadda Axmed Dhagax ayaa dab qabsaday waxaa ku dhintay 6 caruur ah iyo waalidkoodii goob habeenimo ah iyadoo laga war hellay wakhti danbe oo aroor ah.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com

Login