July 4, 2007

Suldaanka Guud ee Beesha Arab oo Beeshiisa Ugu Baaqay Shir ka Dhacaya Baligubadle

Hargeysa(Geeska) - Suldaanka Guud ee Beesha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo madaxdhaqameedka beeshiisa ugu baaqay inay ka soo qayb gallaan shirweyne ka dhici doona degmada Baligubadle oo ka tirsan gobolka Hargeysa….

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, oo  warsaxaafadeed kooban oo uu shalay  ka soo saaray magaalada Hargeysa, soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ku sheegay in shirkaas lagaga wada hadli doono danaha Beesha ARAB iyo danaha Somaliland-ba, “Waxa dhammaan madaxdhaqameedka, cuqaasha, culimaa’udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha ARAB la farayaa inay ka soo qayb gallaan shir lagu qaban doono degmada Baligubadle 10-ka bishan July.” Ayuu Suldaan Cumar ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.

Suldaanka oo ka hadlaya ujeedada shirka uu Beeshiisa ugu baaqay waxa uu yidhi, “Waxa lagaga  wada hadli doono arrimo khuseeya danaha Beesha iyo ta Somalilandba.” Warsaxaafadeedka Suldaanka guud ee Beesha ARAB laguma xusin war intaas ka faahfaahsan oo  ku saabsan mudada uu shirku socon doono.

Source: Wargeyska Geeska Afrika