July 4, 2007
Xukuumadda Somaliland Oo Diiday Inay Aqbasho 120 Qof Oo Xukuumadda Ethiopia Ay Ka Soo Musaafurinaysay Magaalada Xuduudka Ku Taalla Ee Tog-Wajaale
Hargeysa (Harowo.com) July 3, 2007- Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Col. Maxamed Saqadhe Dubad ayaa u xaqiijiyey shabakadda Harowo inay shallay gelinkii danbe dib uga celiyeen magaalada xuduudka ku taalla ee Wajaale qaxoonti u dhashay waddanka Soomaaliya ee dalka Ethiopia soo musaafuriyey.
Taliyaha Ciidanka Booliiska somaliland wuxuu intaasi ku darray in dadkani oo laga soo musaafuriyey magaalooyinka Addis Ababa iyo Casab ee dalka Ethiopia ay wadeen ciidamadda nabad sugidda iyo kuwa booliisku isla markaana ay dadkaasi keeneen ayuu yidhi xuduudka labada dal balse waxaanu amar ku bixinay ayuu yidhi in dadkaasi dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen maadama aanu jirin ayuu yidhi heshiis ay labada dal wada gaadheen "iyadoo aanay jirin wax ogaysiin ah ama wada hadal ah oo labada dal ay ka yeesheen qaxoontigani ayaa waxaa ay ciidamada ammaanka ee ethiopia iska keeneen dadkani wajaale, annagoo eegayna qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa somaliland iyadoo aanay jirin baadhitaan lagu sameeyey dadkani iyo waxay yahiin ayaanu go’aansanay inaanu u sheegno ciidamadii booliiska ee wadday inay dib ugu celiyaan halkii ay ka keeneen" ayuu yidhi Col. Maxamed Saqadhe Dubad.
Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Mudane Dubad wuxuu xaqiijiyey in 8 qof oo iyagu u dhashay Somaliland loo ogolaaday inay usoo gudbaan dhinaca Somaliland balse dhammaanba qaxoontigaasi tiradoodu gaadhaysay 120 loo diiday inay usoo gudbaan dhinaca xuduudka Somaliland.
Waa markii ugu horaysay oo dalka Ethiopia dad ay ka soo musaafiyaan gudaha dalkooda ay keenaan xuduudka Somaliland ay la wadaagan, waxaana loo tirinaya ama loo aanaynayaa qaxoontiga xad dhaafka ah ee ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ee ku soo qaxay dalka Ethiopia inay hadda xukuumadda ethiopia doonayso meel ay iskaga sii musaafuriso, iyadoo ka baqanaysa in ammaanka gudaha ethiopia ay qaxoontigaasi wax u dhiman.
Magaalada wajaale ayaa waxay u kala qaybsantahay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia waana magaalo xudun u noqotay sannadahii ugu danbeeyey ganacsiga iskaga goosha labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, waana xuduudka keliya ee labada dal u furan.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com








